960 Views

Kenya oo Xayiraad karantiil ah 14 maalmood ku soo Rogtay muwaadiniinta UK iyo sidoo kale dadka rakaabka ah ee soo dhexmara dalkaasi.

Kenya oo Xayiraad karantiil ah 14 maalmood  ku soo Rogtay muwaadiniinta UK iyo sidoo kale dadka rakaabka ah ee soo dhexmara dalkaasi.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 03, 2021

Dowladda Kenya oo si kulul uga hadashay go’aankii ay Dowladda UK ay dalkeeda ugu dartay liiska waddamada cas ee uu aadka ugu badanyahay cudurka COVID-19.

Go’aan UK ayaa dhigayay in laga bilaabo 9-ka bishan aysan dalka UK u safri karin dadka ka imaanaya waddamo ay Kenya ku jirto.

Sidoo kale Kenya oo qaadatay tallaabo ay go’aanka UK uga falcellinayso ugana aargudaneyso ayaa ku dhawaaqday in muwaadiniinta UK iyo sidoo kale dadka rakaabka ah ee soo dhexmara dalka UK ee Kenya imaanaya ay Kenya hadda kadib karantiili doonto ilaa 14 maalmood, kuwaasoo ay iyaga iska bixin doona kharashka hoteellada iyo goobaha lagu karantiili doono.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post