1353 Views

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka oo sheegay in Gurmad Biyo dhaamin looga baahan Yahay Gobolka Gedo..

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka oo sheegay in Gurmad Biyo dhaamin looga baahan Yahay Gobolka  Gedo..
____________________________________________________________________________

6da Maarso, 2021:

Dowlada Soomaaliya ayaa mar kale dhawaaq Xoogan ka muujisay biyo la’aanta ka taagan Gobolka  gado, sida uu ku dhawaaqat Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha  Xasan Cabdinuur Cabdi oo la hadlayay saxaafada.

Wasiirka ayaa ku baaqay  in si deg deg ah gurmad biyo dhaamin loo gaarsiiyo bulshada ku nool Gobolka Gedo.

Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa sheegay in biyo la’aanta ka jirta qaar ka mid ah gobolada dalka ay keentay roobabkii deyrta oo aan weli ka da’in gobolada dalka, taasi  oo ka dhalatay biyo yari iyo abaaro ku dhuftay qeybo ka mid ah gobollada dalka.

“Abaarta waxa ay ku dhufatay deegaanno ku yaala Maamul Goboleedka Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland,  Hay’adda Unicef ayaa ka soo jawaabtay codsigii ahaa in dadka abaartu saameysay biyo dhaamin loo sameeyo, waxaana ay biyo dhaamin ka bilaawday afar magaalo oo gobolka Gedo ah oo ay ka midyihiin Baardheere, Buurdhuubo, Luuq iyo Doolow” ayuu yiri Wasiirka Tamarta.

Sidoo kale Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay gacan weyn ka geystaan sidii loogu gurman lahaa walaalaha Soomaaliyeed ee ay biyo la’aantu saameysay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post