1641 Views

Doorashada xiliga dhexe ee Taiwan oo loo dareeray

Doorashada xiliga dhexe ee Taiwan oo loo dareeray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 24, 2018 –Malaayiin muwaadiniinta reer Taiwan ah ayaa u dareeray doorasahada xiliga dhexe, waxaana natiijada kama dambeysta ah ee codkaada uu go’aamin doono cida noqon doonto 22 Duq Magaalooyin iyo boqolaal saraakiil sar sare oo xilal kala duan qaban doono.

Maaxweynaha Jasiiradaasi sheegata in ay ka madax banaantahay shiinaha intiisa kale Haweeneyda lagu Magacaabo Tsai ayaa maanta codkeeda kumanaan ruux hortooda ka dhiibatay waxa ayna sheegtay in doorashadaani ay wax weyn kaga dhigantahay dadka reer Tawian.

Madaxweyne Tsai oo ah qof siyaasadeeda fur furantahay waxa ay sheegtay in inta ay talada dalkaasi ay heyso ay kaga faa’iideysan doonto in dal ahaan loo aqoonsado waxa ayna aaminsantahay in fursada kaliya ee u furan in la aqoonsado ay tahay in Mareykanka ay cilaaqaad dhaw la yeeshaan, sidaasi ayeyna doorashada xisbigeedu ku doonayaan in codadka ugu badan ay ku helaan.

Xsibiga kale ee mucaaradka ah ee Taiwan oo labbo sanno ka hor lagaga adkaaday doorashooyinka guud ayaa iyagana ku ololaynaya in balanqaadkii ahaa in Taiwan la aqoonsan doono ay kasoo bixi waayeen xisabiga iminka talada haaya.

Jaziirada Taiwan caadiyan waxa ay ka mid tahay dhul weynaha Shiinaha balse xaqiiqda ayaa ah in wax saameyn ah aynan ku laheyn Dowladda Shiina, maadama iyaga iskood ay ugu dhawaaqeyn madax banaani waxaana ku nool dad gaaraya 23 Milyan oo ruux.

Xigasho: Pres TV

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment