777 Views

Itoobiya oo markale duqeeysay Caasimada Gobalka Tigray

Itoobiya oo markale duqeeysay Caasimada Gobalka Tigray
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 20 2021=Duqeyn culus ayaa markale waxaa diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya ay ka geysteen meelo kamid ah Caasimada Gobalka Tigray, halkaas oo ay siweyn ugu xoogan yihiin Ciidamada xoogga TPLF ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya

Duqeynta ayaa Maanta waxaa lala beegsaday Goobo muhiim ah sida Warshado’ Isbitaalo ‘ Suuqa Ganacsiga iyo Goobo istiraatiji ah, waxaana Maamulka Tigreega  ay ku edeeyeen  Dawlada Itoobiya inay duqaynta la beeg saneyso goobaha Rayidka.

Xoghayaha guud ee QM  antonio Guters ayaa sheegay inay aad uga walaac san’ yahiin dhibaatada ka Taagan waqooyiga Ethiopia ee sii badanaysa’ iyada oy jiraan Duqaymo ka dhacay mekelle.

Antonio Guteres ayaa dhamaan dhinacyada Dagaalamaya ugu baaqay inay ka fogadaan’ Beeg-siga shacabka iyo Kaabayaasha Ganacsiga.

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post