2418 Views

Maamulka Magalada Baladweyne Oo Warka Soo Saaray Xiisad Ka Taagan Magaaladaas

Maamulka Magalada Baladweyne Oo Warka Soo Saaray Xiisad Ka Taagan Magaaladaas
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 28ka Ogosto, 2018:—Weli waxaa Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka HIiiraan ka taagan xiisad ka dhalatay dilka  Darawal Mooto Bajaaj oo shalay ka dhacay Gudaha Magalada baladweyne.

Maleeshiyaad ku heyb ah Darawalka mooto Bajaajta ee la dilay ayaa la sheegay in inta badan Wadooyinka Magalada xireen,waxana ka hadlay xiisadaas Maamulka Magalada Baladweyne ee ee Gobolka Hiiraan.

Ku xigeenka Duqa degmada Baladweyne Cabdi Xuseen Cismaan Canjeex ayaa sheegay in Askarigii ka dambeeyey dilka Darawalka mooto Bajaajta gacanta lagu haayo,isla markaana ay ku jiraan xalinta xiisadaas.

Isaga oo Wareysi siinayey Qaranimo Online ayuu sheegay  in haatan uu wadahadal u socdo Odayaasha Dhaqanka ka soo kala jeeda Marxuumka la dilay iyo Askariga dilka ka dambeeyay,si xal buuxa loo gaaro.

Marka laga soo tago hadalka Ku xigeenka Duqa degmada Baladweyne ayaa hadana Warar aan heleyno waxa ay sheegayaan in weli wadooyinka qaar ee Baladweyne ay u xiran yihiin Maleeshiyo beeleed ka careysan dilkii shalay loo geystay Darawalka Mooto Bajaaj.

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment