1446 Views

Wasiir Islow “Ma ahan in la siyaasadeeyo howlgalada Ciidamada”

Wasiir Islow “Ma ahan in la siyaasadeeyo howlgalada Ciidamada”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 18,, 2019  –Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay in markii dhibaatooyin kala duwan ay ka dhacay Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka ay ku farxaan Cadawga ddaka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in xilliyadaas ay dhacdooyinkaas dhacaan la arko dad siyaasadeeynayo,hayeeshee aan la arkeyn kuwa ka hadlaya horumarka ay sameysay dowladda federaalka Soomaaliya.

”Waxaan leeyahay Shacbaka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan yaan amniga la siyaasadeyn,amnigui siyaasad magalo,cadawga markii uu dhibaato geysto waa la siyaasadeynayaa markii horumar la gaarana ma arkeysid cid hadleysa.

Sidoo kale Wasiir Islow waxa uu sheegay in wadooyinka Magalada Muqdisho oo dhan aysan xirneyn,hayeeshee wadooyin kooban oo amniga laga sugayo kaliya la xiray,halkaas ay Ciidamada Amniga hoowlo baaritaano ah ka wadaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment