474 Views

Madaxweynaha Soomaaliya oo xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Joon dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan

Madaxweynaha Soomaaliya oo  xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Saadaq Cumar  Joon dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan
____________________________________________________________________________


Isniin: August 15, 2022

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Mohamed dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Booliska Soomaaliyeed, si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya sharciga dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee lr. 2 oo soo baxay sanadkii 1973-dii ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Booliska Soomaaliyeed ay saldhig u noqdaan hannaanka dimuqraadiyadeed iyo ilaalinta sharciga dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey.”

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay Isniintii maanta ee 15-ka bishan Ogoosto, 2022 oo ah marka uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Saadaq Joon ka xayuubiyey darajooyinka iyo dhamaan xuquuqdiisa ciidamanimo, kadib markii uu ku baaqay in dalka doorasho loo jiheeyo, xilligaas oo Framaajo uu ku mashquulsanaa mudo kororsi.

_________________________________________________

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post