1074 Views

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 24, 2019 —Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa shaacisay in 9-ka bisha Sebteembar ay bilaaban doonto dhageysiga Wareegga Koowaad ee Dacwadda badda ee ka dhex taagan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

 

Maxkamadda ayaa shaacisay in xilligaasi si rasmi ah loo dhegeysan doono Wareegga Koowaad ee labadda dhinac.

 

Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2016-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.

 

Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.

 

Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment