1863 Views

Wasiirka Amniga oo eedeyn u Jeediyay dadka xirnaanshaha wadooyinka dhaliila

Wasiirka Amniga oo eedeyn u Jeediyay dadka xirnaanshaha wadooyinka dhaliila
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 16, 2018 – Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale,ayaa ka hadlay wadooyinka ay xireyn Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo cabashada ka imaaneysa Shacabka ee ku aadan xirnaanshaha Wadooyinka.

Wasiirka ayaa sheegay in markii Wadooyinka Muqdisho ay ciidamadu xiraan ay soo dhexgalaan Al-Shabaab,iyaga oo iska dhigaya shacabka,isla markaana ka cabanaya in Wadooyinka loo furo.

Waxa uu soo hadal qaaday weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee Sabtida todobaadkii hore lagu qaaday Xarumaha Wasaaradaha Amniga iyo Gudaha ee Muqdisho,weeraradaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

”Runtii Al-Shabaab waa anaga oo kale dadka ayay ku dhex jiraan waliba weey ka hadashiiyaan,markii wadooyinka la xiro,iyaga oo shacab iska-dhigaya ayay qeyliyaan si wadooyinka loofuro,balse dowladdau waa ay ka hortagtay falkasta oo ay isku-dayeen in ay fuliyaan ayuu yiri Wasiir Ducaale.”

Hal todobaad gudahood ayaa waxaa weeraro qaarxyo ku bilaawday lagu qaaday xarumo muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho,waxaana weeraradaas sheegtay in ay ka dambeeyeen dagaalamayasha Al-Shabaab.

.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment