10503 Views

SIYAASADIHII DHEXDHEXAADKA IYO DIBADDA SOOMAALIYA – Qeybtii 4-aad

SIYAASADIHII DHEXDHEXAADKA IYO DIBADDA SOOMAALIYA – Qeybtii 4-aad
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | December 24, 2018 – Qoraalkani waa qormadii 4aad, sida aad ku arki doonto waa isku dhex quban yahay, uma habeysna qaab daraasad, mana kala soocna. Qeybaha uu ka kooban yahay qoraalka waxay isugu jiraan qabyo qoraalki 3aad laga soo qaaday, qeybo ka dhinaa oo lagu daray iyo qeybo cusub. Mowduuca qoraalkani wuxuu tafaasilaad iyo sharax kooban ka bixinayaa khilaafka soohdimeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya dhextiilay, sababihii keenay, saameynta ay ku lahayeen qoyskii Soomaaliyeed ee shanta qeybood loo kala qeybsaday iyo dhabbahii nabadeed ee loo maray Soomaali oo dhan inay israacdo dalkuna yeesho hal calan iyo dowlad kaliya.

Intii aan dul istaagin mawduuxa qoraalka, waxaa kale uu qoraalkani eeggayaa goleha wasaayadda ee Ummadaha Midoobay shirkii ay la qaateen dowladda Talyaaniga 27dii Janaayo 1950kii, ay isla meel dhigeen lahaanshaha dhulka Soomaaliyeed, Talyaaniguna ka shaqeeyo inuu xaliyo muranka xuduudaha ee Soomaaliya iyo Itoobiya dhexyiilay inta aan la gaariin gobannimada. Guud ahaan qeybaha uu qoraalkani ka kooban yahay iyo fariintu xambaarsan waxa ay tahay in aqristaha uu ka dheregsanaado waxqabadkii madaxda Soomaaliyeed sidii ay xil isaga saareen walaaalaha Soomaaliyeed ee maqan, dhibaatooyinkii balaarnaa ee ka horyimid iyo waqtigaa isaga ah sidii Eebbe ugu toosiyey in ay gartaan in la dhiso Qaran Soomaaliyeed oo dhinac kasta isaga filan, dhaqaalaha wadanka sare loo qaado, la abuuro mujtamac Soomaaliyeed oo caafimaad qaba oo ka xoreysan jahliga iyo gaajada, iyo in la hormarsho nabadgalyada guud ee Qaranka.

Qoraalkani wuxuu kaloo falanqeynayaa sababta dhinac la isaga dhigay khilaafka xuduudaha intii aan la qaadan gobannimada, sababta reer galbeedka ay ugu cago jiideen dhismaha iyo tayenta gaashandhigga Soomaaliyeed iyo tallaabooyinki diblomaasi ay qaaday xukuumada si loo dhiso ciidan Soomaaliyeed oo lixaad leh oo ka soo muuqda gobolka geeska Afrka isla markaana daafaca Qarannimda iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu kaloo qoraalkani ka waramayaa xaaladihi adkaa ee ka horyimid xukuumadi Daakhiliga gaar ahaan xiligii laga xaajoonaayey muranka xuduudaha, wixi la qabtay iyo sidii horumarinta dalkeena loogu cabiray istaraatijiyadda dalkeena uu ku fadhiyo in looga faa’iideysto gaashaanbuurta waaweyn ee dowladaha Bariga iyo Galbeedka (NATO & WARSOW) ee ku looltamaayey gobolka geeska Afrika.

Marka hore waxaan filayaa in aad ka war heysaan xaaladihii murugsanaa uu dalkeena soo maray, taariikhda aad bey u dheer tahay, balse mowduuca qaraalkani wuxuu falanqeynayaa oo kaliya khilaafka xuduudaha iyo dhabihii dheeraa ee loo maray dhismaha gaashaandhiga Soomaaliyeed. Intaa ka sokow, inta aannan guda galin khilaafka xuduudaha marka hore waa in aynu isweydiinaa maxaa sababay khilaafka xuduudaha? Xukuumadii Daakhiliga kaalin intee la eg ayey ku lahayd garab istaaga walaalaha maqan iyo maxay ahaayeen saameyntii muranka xuduudaha ay ku lahaayeen qalalaasihii iyo dagaaladii laga huriyey gobolka geeska Afrika?

Inta aan la galin dulucda khilaafka xuduudaha waxa haboon fiiro kooban inaan u yeelano qodobo taarikhi ah oo la xariira arrinkaan, si aynnu u fahamno xuddunta mushkiladda khilaafka. Waxa la wada ogsoon yahay in dhamaadkii qarnigii 19aad ummadda Soomaaliyeed lagu soo daray qorshihii shirkii Berliin ee lagu qeybsaday qaaradda Afrika. Soomaaliya oo ku taal goob istaraatijik ah waxaa ku soo duulay oo qabsaday quwadihii waaweynaa ee wax gumeysanaayey sida Ingariiska, Talyaaniga iyo Faransiiska. Sedexda gumeysi waxay xiligaa heshiisyo magangalyo la dhigteen odayaasha Soomaaliyeed, waxayna heshiisyadaasi ku saabsanayeen in la dhowro midnimda dhuleed ee Soomaaliya, lagana ilaalsho weerarada shisheeyaha iyo kuwa dalbalaarsiga Xabshada uu markaa waday boqor Minelikh II oo loo arkaayey dawlad quwad leh oo ka dhisan gobolka geeska Afrika.

Heshiisyadi magangalyo ee gumeystayaasha ay la dhigteen odayaasha Soomaaliyeed waxay ka koobnaayeeyn kii Ingariiska iyo odayaasha Waqooyi Galbeed dhexmaray sanadkii 1886kii, kii Talyaaniga iyo odayaasha Waqooyi Bari kala saxiixdeen sanadkii 1889kii iyo heshiiskii Faransiiska iyo odayaasha Soomaaliyeed ee Abokh wada galeen sanadkii 1885kii. Intaa ka sokow, heshiisyada odayaasha Soomaaliyeed ay la galeen sedexdii gumeysi waxay bayaankooda ku cadeeyeen in qeyb ka mid ah dalkooda waligood cidnaba u gooynin, cidna ka iibin, cidna ka kireyn. Sidoo kale sedexda gumeysi waxay balan ku qaadeen inay ilaaliyaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Ka gadaal maxaa dhacay? Waxaa dhacday Sedexda gumeysi (Ingariiska, Fransiiska, Talyaaniga) markii ay gacanta ku dhigeen dhulkii Soomaaliyeed waxay markiiba isku dayeen heshiisyo gorgortan ah inay la galeen Itoobiya oo iyaduna doonaysay inay ka qeybqaadato boobka dhulka Soomaaliyeed, halkaana waxa lagu buriyey heshiisyadii ilaalo iyo balantii sedexda gumeysi ay la dhigteen odayaashii Soomaaliyeed.

Intii uu socday ololaha dhulboobka Soomaaliya waxa heshiisyo caalami ah dhexmaray Talyaaniga iyo Ingariiska oo labaduba heystay dhulal Soomaaliyeed, taana waxay keentay inay ku heshiiyeen sanadki 1894kii inay kala xariiqdaan soohdimahooda. Heshiiskaasi bayaankiisa wuxu ku soo baxay in Ingariiska dhul Soomaaliyeed ku wareejiyey Talyaaniga, halkaana wuxuu Ingariiska ku jabiyey heshiisyadi magangalyo uu la dhigtay odayaasha Soomaaliyeed. Laba sano kadib 1896dii, marki boqor Menelihk II uu Adowa Talyaaniga ku jabiyey oo Talyaanigii u adkeysan waayey qulqulatooyinka Xabashida ayaa waxay ku kaliftay inuu Talyaaniga heshiis la dhigto boqor Menelikh II sanadku marku ahaa 1897dii. Labada dal ee Itoobiya iyo Talyaaniga waxay sanadkaasi ka wada xaajoodeen sidii ay u qeybsan lahayeen dhulka Soomaaliyeed, ka gadaalna waxay isla garteen in Talyaanigu wareejiyo dhul Soomaaliyeed. Halkaana waxaa mar labaad ka muuqata in Talyaanigu isaguna buriyey heshiiskii magangalyo uu la dhigtay odayaasha Soomaaliyeed sanadkii 1889dii.

Heshiiskaas laba geesoodka ah ay wada galeen Talyaaniga iyo Itoobiya waxa lagu muujiyey labo khariidadood ay isweydaarsadeen labada dal, hase yeeshee sida la sheegay dhowr sano ka dib waxaa lumay labadi khariidadood ee ku xusneyd heshiiska labada dal. Talyaanigu wuxuu sheegtay in heshiiskaasi lagu falanqeeyey soohdimaha la isku afgartay in xariiqda la jeexay ay marto ku dhawaad 180 mayl ama 289km marka laga yimaado xeebta badda Hindia, dhanka waqooyina wuxuu ku sinnaa soohdinta Ingariiska wabiga Juba illaa waqooyiga Baardheere. Halka Itoobiyana ay sheegatay in xariiqda soohdinta ay ku dhaweyd xeebta badda Hindiya. Si looga gudbo muranka iyo isafgaranwaaga labada dhinac waxay mar labaad wada galeen heshiis bishii Maajo 1908kii, tasoo lagu gudoonshay inay kala xadeystaan dhulkii Soomaaliyeed. Heshiiskaa wuxuu Xabashida u fududeeyey si aan sharci aheyn inay kula wareegto dhulka Soomaaliyeed, saa awgeed soohdintii maalinta labada dal ay kala sunteen waxay wali astaan u yihiin xadka Soomaaliya iyo Itoobiya maanta kala qeybiya.

Waxa kaloo heshiisyadi mangangalyo ay odayaasha Soomaaliyeed la dhigeen Ingariiska iyo Faransiiska lagu buriyey heshiisyadii labada gumeyste ay wada galeen sanadkii 1888dii ee ku saabasanaa soohdimihii lagu kala suntay Gildesa illaa Harar. Waxa kaloo xigay sanadkii 1897dii heshiiskii Faransiiska uu la dhigtay Mililik II ee ku saabsanaa soohdinta kala qeybisa Jabuuti iyo Xabashida, laguna gudoonshay in uu Faransiiska siiyo dhul tiro badan oo ka mid ah Jabuuti, taa badelkeedana Mililik wuxuu Faransiiska u ogolaaday dhismo tareen oo isku xira Jabuuti iyo dhulka Xabashida, taana waxa loogu gol lahaa in Jabuuti ay noqoto marinka ganacsiga dibadda ee Xabashida. Si kastaba, kala qeybintii Soomaaliya la kala qeybshay iyo xuduudaha la kala dhexdhigay wax macna ah uma sameyn, Soomaalida oo ah dad reerguura ah waxba uma arkeyn xuduudaha la kala dhexdhigay, waxayna aqoonsanayeen dhamaan heshiiskii sedexda gumeysi ay la dhigteen Itoobiya inay idilkood ahaayeen kuwa xaqdaro ah oo lagu wareejiyey dhul Soomaaliyeed iyadoo ummaddii dhulkaa laheyd aan waxba laga weydiin.

Guud ahaanba, heshiisyadii xabashida iyo dowladaha gumeysiga kala saxeexdeen waxay    Itoobiya u sahashay inay gacanta ku dhigto dhul Soomaaliyeed oo ay ku darsato Harar oo hoery ay u qabsatay sanadkii 1887kii. Qarnigii labaatanaad ummadda Soomaaliyeed wuxuu ugu dhashay nasiib xumo, soohdimahaas la kala dhexdhigay dadka Soomaaliyeed waxay waxyeelo u keeneen noloshooda, gaar ahaan xoolo dhaqatada markii ay guura hayaan oo ay dhici jirtay inay la kulmaan maamul iyo af cusub oo iyaga shisheeye ku ah. Waxa inta badan dhici jirtay dalalkii la raacshay inay hor istaagaan dadka reer guura ah markii ay damcaan in ay soohdimahaas ka tallaabaan iyagoo raadsanaya daaq iyo biyo taana ay keeni jirtay dagaalo lagu hoobto

Intii uu socday dagaalkii labaad ee adduunka waxa isbadel ku yimid noloshii bulshada Soomaaliyeed, waxay aheyd markii ugu dhaweyd ay rumowdo riyadii Soomaaliweyn. Sanadku marku ahaa 1941dii, Ingariiska wuxuu dagaal rogaal celis ah ku soo qaaday Talyaaniga oo xiligaa dagaal kula wareegay geeska Afrika, kana qabsaday saddexdi qaybood ee Talyaanigu ka heystay dhulka Soomaaliyeed, sidaa ayaana Ingariiska ku qabsaday Soomaaliya oo dhan marka laga reebo Jabuuti oo Faransiisku heystay. Xiligii uu socday dagaalki Talyaaniga looga awood roonaday wuxuu Ingariiska Soomalida ka balan qaaday in uu mideyndoono haddii ay la saftaan oo ay garab ku siiyaan siduu u jabin lahaa Talyaaniga, taana Soomaalida waa ka yeeshay, waase lagu balan furay!

Bishii Febraayo 1948dii waxa magaalada Muqdisho shir weyne guud isugu yimid oday dhaqameedyada Soomaaliyeed si la isugu raaco go’aan loo dhan yahay oo loo gudbiyo xoghayaha Qaramada Midoobay oo la xariira aayaha ummadda Soomaaliyeed. Waxay codsigooda ku cadeeyeen in Qaramada Midoobay garab ay ku siiso in la baabi’iyo xuduudaha dadka Soomaaliyeed la kala dhexdhigay, kagadaalna dadka Soomaliyeed oo dhan ee ku hoos jira Talyaaniga, Ingariiska, Faransiiska iyo Itoobiya la mideeyo, oo la hoos keeno Ururka Ummadaha Midoobay. Ernest Bevin oo waqtigaa ahaa wasiirkii arrimaha debadda ee Ingiriiska oo ka tilmaan qaadanaya codsiga odayaasha Soomaaliyeed ayaa xiligaa waqtigaa soo jeediyey in dhammaan dhulka ay degaan Soomaalida la mideeyo oo la wada hoos geeyo hal maamul oo siyaasi ah oo hoos yimaada Qaramada Midoobay si loogu diyaariyo xornimo siyaasadeed muddo ku siman toban sanadood.

Ernest Bevin wuxuu kaloo soo jeedshay in mideynta qoysk Soomaaliyeed ay suurta galineyso xasillooni ka dhalata gobolka geeska Afrika, taana wuxuu ula jeeday in reer-guuraaga Soomaaliyeed ay maamushaan dhulkooda, noloshooda dhaqan-dhaqaale iyagoo aan la kulmin is hortaag markii ay rabaan inay ka tallaaban xuduudaha la kala dhexdhigay. Nasiibdaro qorshihii Bevin ma noqon mid hirgala, waxaana ka soo horjeestay quwadahii waaweynaa ee kala ahaa Mareykanka, Ruushka iyo Faransiiska. Waxa kaloo nasiib daro aheyd waqtigii Soomaalida Qaramadda Midoobay ay ka codsaneysay mideynta Soomaaliweyn, wuxuu Ingariiska bishii Sebtember 1948dii si qarsoodi ah Itoobiya ugu wareejiyey dhulkii Soomaali Galbeed, todoba sano kadib bishii Janaayo 1955tii waxaa Ingariiska soo saaray bayaan ah in dhulkii Soomaali Galbeed, Hawd iyo reserved area oo ah qeyb ka mid ah dalka Soomaaliyeed ku wareejiyey Itoobiya. Bulashadii Soomaaliyeed ee xiliga nooleyd aad ayey ugu xumaadeen dalkoodi oo la boobay, waxay muujiyeen gadood iyo bannaanbaxyo looga soo horjeedo go’aankaasi, dabadeedna shir guud ayaa la isugu yimid magaalada Hargeysa waxaana halkaa lagu gaaray cabasho in loo gudbiyo ururka Qaramada Midoobay. Qoraalada dambe ayaan ku soo qaadan doona dadaalkii madaxda Soomaaliland ay ku muujiyeen diidmada heshiiski dhexmaray Ingariiska iyo Itoobiya sanadihii 1897kii iyo heshiiskii 1954tii lagu wareejiyey xadka Seerar illaa Hawd.

Dhibaatada xuuduudaha waxay ahaayeen kuwa gumeysiga abuuray xiligii dhulalki Soomaaliyeed gacantiisa ay ku jireen, iyagoo kala jarjaray dhulkii Soomaaliyeed, qaarkoodna ku daray dalal askun iyo taarikh aysan wadaagin. Ujeedada gumeysigu ka lahaa waxay aheyd in colaad joogta ahi na dhextaal goortii Soomaali ay ka xorowdo gumeysiga, iyaguna colaadooda ka dhax faa’iideystaan. Siyaasadadaha adduunka qaarkood waxay ku shaqeeyaan in ummadaha qaarkood madaxa la isu galiyo si ay u coloobaan oo ay ugu dhaxeyso dagaalo aan damin, ayna u noqdaan suuq xagga hubka, deyn siinta iyo saldhigyo miletari ay fadhistaan.

Haddaan u soo gudbo xiligii Wasaayadda, waxa jirtay in sanadkii 1950kii ay Qaramada Midoobay dalka Talyaaniga ammaansi ugu dhiibtay koonfurta Soomaaliya si xornimo loo gaarsiiyo muddo ku siman toban sanadood. Intii ka horeysay isku diyaarinta gobannimda si haboon ayey ku socotay illaa laga soo gaaro 1960kii, balse su’aasha kaliya ee markaa taagnayd waxay aheyd sidii loo xalin lahaa khilaafka xuduudaha, loona sameyn lahaa xudduud sharci ah oo u dhexeeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. Xiligii Talyaaniga uu yimid dalka, soohdimaha Soomaaliya ma ayan calaamadeysnayn waxaana aad u adkeyd sidii lagu kala garan lahaa Soomaalidii ku hoos jirtay Itoobiya, Talyaaniga iyo Ingariiska. Saas awgeed golaha wasaayadda Qaramada Middoobay oo shaqadiisu aheyd in uu ilaaliyo, lana xisaabtamo dowladii Talyaaniga ee lagu aaminay Soomaaliya ayaa waxay soo jeedsheen in muranka xuduuddaha loo saaro dawlada Talyaaniga isla markaana sida ugu dhakhsiyaha badan ay wada xaajood kala yeelato dolwladda Itoobiya si xal looga gaaro khilaafka xuduudaha ee dhinaca Koonfureed.

Nasiib darro taasi may suuragalin horay in loo sii wado wada xaajoodka labada dal, balse markii la gaaray 1956dii oo ku beegneyd markii ay curatay xukuumaddi Daakhilka, ayaa waxay aheyd markii ugu horeysay taarikhda madaxda Soomaaliyeed awood u yeeshaan in ay ka qeyb qaataan dalka taladiisa, waxay kaloo aheyd markii ugu horeysay si sharci ah madaxdii Soomaaliyeed ugu hadasho in xali nabadeed laga gaaro dhulalka maqan si loo mideeyo shanta Soomaaliyeed oo ay yeeshaan dowlad qura, hal calan iyo hal madaxweyne. Si wax looga qabto khilaafka xuduudaha iyo walaalaha maqan waxay xukuumada ka qeyb qaadatay shirar caalami ah oo looga hadlaayey arrimaha Soomaaliya. Waxaa xus gaara leh, dabayaaqadii sanadka 1956dii, waxa dalka ka dhoofay wafdi balaaran oo ka koobnaa Re’iisul wasaarihii xukuumada Daakhilka mudane Cabdulaahi Ciise, guduumiyihii golaha ummadda mudane Aadan Cabdulle, ku xigeenkii golaha ummadda Cabdinur Maxamed Xuseen iyo xoghayihii goleha ummadda Cumar Macalin.

Wafdiga oo matalaayey dowladda Soomaaliya waxay booqasho rasmi ah ku tageen xarunta Qaramada Midoobay si ay goobjoog ugu noqdaan kulankii sanadlaha ee maamulki Talyaaniga Soomaaliya warbixinta ku siinayey golaha wasaayada Qaramada Midoobay. Kulankaasi caalamiga ah oo ahmiyad gaara u lahaa Soomaalida ayaa madaxdii Daakhilka waxay goleha hordhigeen khilaafka soohdimeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya dhexyaal, kagadaalna waxa shirkaa ka soo baxay go’aano dhaxal gal ah uu golahu ku baaqay in Soomaaliya iyo Itoobiya loo diro guddi xaqiiq raadin ah oo soo qiimeeya muranka xuduudaha. Kolkaa kadib, wafdiga Soomaalida waxay soo maareen aqalka arrimaga dibadda ee Mareykanka, waxayna wada hadalo la yeesheen madaxda Mareykanka iyagoo kulankooda kaga xaajooday xiriirka labada dal iyo sidii dowladda Mareykanka taageero ugu geysan lahayd xalinta khilaafka xuduudaha ee dhexyiilay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Mareykanka oo ka jawaabeysa codsigii madaxda Soomaalida ayaa bishi Oktoobar 1957kii waxay Soomaaliya u soo direen Ammbassodor Don C. Blis oo ahaa daljiraha Mareykanka u fadhiyey Itoobiya. Daljiraha iyo wafdigiisa waxay la kulmeen wakiilki maamulka Talyaaniga Soomaaliya Enrco Anzilotti, gudoomiyaha goleha ummadda mudane Adan Cabdulle Cusmaan iyo Re’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdullaahi Ciise Maxamuud. Kulankii labada dhinac ee daljiraha iyo madaxdii Soomaalida u qaabilsanaa waxaa looga hadlay dhowr arrimood oo ku saabsan: mowqifka Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya, muranka xuduudda Itoobiya iyo Soomaaliya, kaalmada Maraykanku u fidiyo Soomaaliya iyo taageerada miletari ee Soomaaliya ay dooneyso.

Bilowgii wada hadalka labada dhinac waxaa lagu falanqeeyey amuuraha ka taagan gobolka geeska Afrika, muranka xuduudaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo cabsida Soomaaliya ay ka qabto in lala mideeyo Itoobiya. Madaxda Soomaaliyeed waxay aad ugu dheeradeen walwalka ay ka qabaan Soomaaliya in la hoosgeeyo Itoobiya, waxayna tuhunkooda ku sababeeyeen sida dalka Ereteriya loo hoosgeeyey Itoobiya. Iyagoo hadalkooda sii wata waxay ka tusaaleeyeen marki la jabiyey mustacmaradii Talyaaniga ee Ereteriya siday xooggagii reer galbeedka gacan u siiyeen siyaasadii dhulbalaarsiga Itoobiya, iskuna barbartaageen Xeyle Sillaase markii ay ku adkeysatay in la soo raacsho Ereteriya. Waxay kaloo tusaale u soo qaateen damaca Itoobiya iyo qudbadii Xeyle Sillaase ka jeediyey magaalada Qabridahare bishii Agoosto 1956dii, kuna sheegay dadyowga Soomaaliyeed inay ka mid yihiin qowmiyadaha Itoobiya oo ayan ka go’i karin, taana uu daliil kaga dhigay Soomaaliya oo la soo raacshaa Itoobiya ay ka dhigan tahay sida Eriteriyaba u garowsatay, waliba isagoo ku goodiyey in waqti aan la isaga lumin Soomaaliya oo dawlad ka dhalata, ayna lamid tahay dameer geesa yeeshay.

Madaxdi Daakhilka waxay Marekanka ku eedeyeen inuu garab ku siinayo Itoobiya sidii loo soo raacin lahaa Soomaaliya, waxay kaloo ku eedeeyeen inuu Itoobiya ku garab taagan yahay wada xaajoodka muranka xuduudaha in gorgortan looga dhigo heshiiskii Talyaaniga iyo Itoobiya ay wada galeen sanadkii 1908kii, taana bamda’iyan ay Soomaalidu ka soo horjeedo, una aragto wax horumar ah inaan laga gaari doonin wada hadal kastaa oo labada dal gunxaar looga dhigo heshiiskaasi. Waxay kaloo madaxdii Daakhiliga farta ku fiiqeen in Itoobiya ay wado dhaqdhaaq diblomaasi ka hor inta aan golaha Qaramada Midoobay isku iman, taana ay ku doonayso inay hubiyaan oo ka hortagaan rayigooda wixii ka hor imaanaya inta lagu gudajiro fadhiga golaha si ay u meelmariyaan ajandahooda la xariira muranka xuduudaha.

Danjire Blis oo isna halkaa ka hadlay waxa uu falanqeeyey halka Mareykanku ka taagan yahay muranka xuduudaha ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo cadeeyey in Mareykanku taageersan yahay, horayna u soo bandhigay inay arkaan Soomaali oo xor ah oo xiriir wanaagsan ka dhexeeya Itoobiya. Isagoo wali wata hadalkiisa wuxuu taabtay in Maraykanku ku kalsoon yahay dadaalada ay wado Qaramada Midoobay oo faa’iido u leh Soomaaliya iyo Itoobiya, saa awgeedna Mareykanku taageersan yahay aragtida ah in la dedejiyo xal u helidda muranka xuduudaha ka hor Soomaaliya inta aysan qaadan gobannimda. Wuxuu kaloo ka waramay taageerada Maraykanka ee la xariira himilada Itoobiya iyo bakhdinta Soomaaliya ay ka qabto in lagu daro dalka Itoobiya, taa badelkeedana wuxuu cadeeyey in Soomaaliya aynaan ka walwalin Maraykanku inuu u garbeynayo Itoobya si loo raacsho Soomaaliya.

Re’iisul wasaaraha oo ka hadlay kulankaasi wuxuu sheegay in wax badan ay tixgelinayeen dadaaladi wada xaajoodka ee todobadii sano ee la soo dhaafay socday, balse ku tilmaamay guuldaro inay ku dhamaadeen. Wuxuu kaloo hadalkiisa raacshay walwal inay ka qabaan inuu fashil ku yimaado wada xaajoodka Talyaanigu uu hadda wado, isagoo cadeeyey ajandaha heshiiska Soomaalida waxa uu salka ku hayo iyo wax yaabihii ay la kulmeen sanadihi tagay, shakina ka muujiyey natiijada habraaca lagu gaadhi karo go’aanada wadaxaajoodka labada dal, saa awgeedna wuxuu ku taliyey in la soo bandhigo rayi cusub, sida dhexdhexaadin, garqaadida ama wadaxaajood mira dhal ah oo lagama maarmaan u ah sidii loo fududeyn lahaa heshiiska. Mudane Adan Cabdule Cusmaan oo hadal gaaban ka jeediyey kulankaasi wuxuu ku qaadaa dhigay siyaasadda Dowladda Daakhiliga ee ku saabsan dhulalka maqan, wuxuu kaloo sheegay isaga iyo Ra’iisul wasaaraha inay martiqaad ka heleen boqor Xeyle Sillaase ayna rajeynayaan booqasho sharaf inay ku tagaan dalka Itoobiya.

Tan labaad waxaa kaloo xusuus mudan halkaan in lagu soo qaato tallaabadii diblomaasi ugu weyneyd ee xukuumadii Daakhiliga ay qaaday waxay aheyd booqashadii gaabneyd ay ku tageen dalka Itoobiya dabayaaqaddii sanadka 1957dii.

Ujeeddada socdaalka wafdiga waxay aheyd in la wajaho arrimha culculus ee ku saabsan sidii loo xalin lahaa aayaha Soomaalida ku hoos nool Itoobiya iyo baabi’inta xuduudyada beenta ah ee gumestaha xarxariiqay. Wafdigaa waxaa hogaaminaayey gudoomiyihii golaha ummadda mudane Adan Cabdulle Cusmaan, Re’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdulaahi Ciise Maxamuud, xoghayaha goleha ummadda Maxamem Xassan Jasti iyo Xoghayaha goleha wasiirada Cabdi Adan Maxamed. Wafdiga waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey dalka Itoobiya ku xigeenka Re’iisul wasaaraha Itoobiya ahna wasiirka arrimha dibadda Aklilu Hobte Wald, godoomiyaha goleha senedka Itoobiya Ras Bitwodden Makonnen, danjiraha dalka Talyaaniga ee dalka Itoobiya iyo madax kale. Kolkii ay dhameysteen soo dhaweynta qiimaha laheyd ee ka dhacday gegida dayuuradaha, waxay la kulmeen Boqor Xeyle Salaase si labada dhinac ay ugu wada hadlaan arrimo waxtar u leh labada dal.

Wada hadaladii u socday wafdiga Soomaalida iyo Itoobiya waxa lagu soo qaaday dhibaatada ka taagan mashaakilka xuduudaha oo labada dal mabda’a ahaan aad ugu kala durugsanayeen. Kulankaasi oo socday muddo sedex saac ah wuxuu ahaa kii ugu horeeyey ee madaxda labada dal ay ku kulmaan, waxaana ajandaha kulankaasi ka soo baxay in la sii wado dadaalada wadaxaajoodka labada dhinac iyadoo culeyska la saarayo iskaashi iyo wajir dhexmara labada dal, inay yeeshaan xiriir wanaagasan oo darisnimo ah iyo in xal laga gaaro mushaakilka xuduudada. Heshiiska nabad raadinta labada dal waxa dhexdhexaad ka ahaa dowladda Talyaaniga oo iyadu aheyd middi sabab u aheyd khilaafka xuduudada, balse waxaa jiray dowladdo waaweyn oo dhinaca Qaramada Midoobay gacan ku siinaayey Itoobiya in aan laga soo googeyn dhulka Soomaalida ka maqan. Inkastoo xiligaa xukuumadi Daakhiliga ay mas’uul ka aheyd maamulka gudaha marka laga reebo arrimaha dibedda, dhaqaalaha iyo gaashaandhigga oo sedexduba ay mas’uul ka ahaayeen maamulki Talyaaniga, haddana waxa markastaaba ku adkayd dhinaca diblomaasiyada caalamiga oo ah habka dowladaha u gadaan meelmarinta ajandayashooda inay ka gadaan goleyaasha adduunka iyagoo adeegsanaya xirfadaha dullaaltanka siyaasadda dibadda.

Arrinka mideynta qoyska Soomaaliyeed ma yareyn dhibkii laga soo maray, waxa kaloo marag madoonto ah oo in la sheego istaahila dadaalki diblomaasiyadeed ee madaxdi Daakhilka ay ku tageen xarunta Qaramada Midoobay si goleha ay u hordhigaan muranka xadka labada dal iyo sidii fure nabadeed loogu heli lahaa nabad waarta oo ka dhalata labada dal. Sanadki 1957dii waxa dalka ka dhoofay wafdi lixaad leh oo ka kooban xukuumadi Daakhilka iyo golehii ummadda, kuwaasoo ay kamid ahaayeen Re’iisul wasaarihii Soomaaliya mudane Cabdulaahi Ciise, wasiirkii arrimaha gudaha mudane Xaaji Musse Boqor, gudoomiyihii golahii ummadda mudane Aadan Cabdulle Cusmaan iyo gudoomiye ku xigeenka golaha ummadda mudane Abdinur Maxamed Xuseen si ay rayigooda ugu dhiibtaan kulanka sanadlaha ee maamulki AFIS warbixin buuxda ku siinayey golaha wasaayadda Qaramada Midoobay.

Shirkaasi wuxuu fursad wanaagsan u ahaa Soomaaliya, wafuuddii Soomaalida waxay halkaa ka cadeeyeen baahida loo qabo in xal waara laga gaaro khilaafka xuduuddaha si loo adkeeyo nabadgalyada guud ee labada dal iyo tan gobolka. Madaxda Soomaalida waxay goleha Qaramada Midoobay ka codsadeen muranka ina dhexyaal innaga iyo Itoobiya lagu xaliyo si nabadgalyo ah oo taageero caalami ah ay ka geestaan goleha Qaramada Midoobay inta aan la qaadan gobannimada. Wafdiga waxay goleha hordhigeen warbixin si cad ay ugu muujiyeen dhismaha iyo tiirarka isu haya bulshada Soomaaliyeed, waxay ka taarikheeyeen dadyowga Soomaaliyeed ee maqan, Soomaaliya sida loo qeybsaday, wixii ku kalifay gumeystaha inuu dhul Soomaaliyeed ku wareejiyo Itoobiya iyo doorki xabashidu ku laheyd boobka dhulka Soomaaliyeed.

Itoobiya dhinaceeda waxay ku dacwootay in dhulkaas ay iyadu leedahay, isla markaana uu kamid ahaan jiray Itoobiya oo soohdimahiisa hadda u yaala lagu gaaray heshiisyo caalami ah. Haddaba arrinka xuduudaha oo ah mid aad umuhiim ah ayaa marki la isku mari waayey waxay madaxa Qaramada Midoobay soo dhaweeyeen oo ahmiyad weyn siiyeen cabashooyinki wafdiga Soomaalida, waxaana go’aan lagu gaaray arrinka mashaakilka xuduudaha in loo xilsaaro Talyaaniga oo si nabadgalyo ah lagu xaliyo, taasuna waxay aheyd guul weyn, hase yeeshee tallaabadaasi ma noqon mid ay soo dhaweyso dowlada Itoobiya. Labada dal ee Talyaaniga iyo Itoobiya waxay isla ogolaadeen in xal laga gaaro muranka xuduudaha iyadoo laga amba qaadayo mabaadii’di lagu heshiiyey sanadkii 1908dii. Wadahadalada labada dhinac waxay bilaabmeen sanadkii 1955tii, waxayna kulmeen siddeed iyo toban jeer, hase yeeshee madaxda Soomaaliyeed wax micno ah uma sameyn kulankii wada xaajoodka labada dal.

Horaantii sanadka 1956dii, waxa magaaladda Muqdisho soo gaaray ergooyinkii Talyaaniga, intii halka ay joogeen waxay isku dayeen inay heshiis la gaaran madaxda Soomaaliyeed si la isugu afgarto muranka xuduudaha in wadahadlooda gunxaar looga dhigo in laga amba qaado heshiiski Talyaaniga iyo Itoobiya ay wada galeen bishii May, 1908dii. Madaxda Soomaaliyeed waxay sheegeen in aysan qirsaneen heshiiski dhexmaray labada dal sanadku marku ahaa 1908kii, saas awgeedna ay ka soo horjeedaan inay dhiirri-galiyaan muranka xuduudaha in gorgortankiisa lagu saleeyo heshiiski 1908dii. Tusaale ahaan waxay us soo qaateen in Soomaaliya marnaba aysan ogolaan dal ay leedahay in la wareejiyo, hase yeeshee Talyaanigu uu ahaa midka buriyey heshiiskii nabadgalyo ee Soomaalida uu la dhigtay, kadibna dhulkii Soomaaliyeed ku wereejiyey Xabashida isagoo aan kala tashan dadka Soomaaliyeed .

Markii muddo aan yareyn laysku mari waayey xali laga gaaro khilaafka ayaa bishii December 1958dii waxa dalka Soomaaliya booqasho ku yimid xoghayihii guud ee Qaramada Midoobay M.Dag Hammarskjold iyo wafdi lixaad leh uu hogaaminaayey. Xoghaya markii uu soo gaaray magaaladda Muqdisho waxa halkaa ku soo dhaweeyey wakiilkii maamulka Talyaaniga Soomaaliya Mario Da Stavano, gudoomiyihii golaha ummadda mudane Adan Cabdulle Cusmaan, Re’iisul wasaarihii Soomaaliya mudane Cabdulaahi Ciise Maxamuud iyo xubno ka mid ah golahii ummadda, xukuumada iyo taliyeyaashii ciidamada Soomaaliya. Intaa kadib, xoghayaha waxa u bilaabatay booqasho uu ku kala bixiyey dalka iyo dadweynihii deganaa, meelahii wafdigu booqday uu ahmiyadda siiyey waxa ka mid ahaa in uu indha-indheeyo sideedii sano uu Talyaaniga dalka joogay wixii uu ka qabtay halboolayaasha dhaqaalaha dalka, dhismaha ciidamada, kaabayaasha horumarinta daweynaha sida xarumaha waxbarashada, caafimaadka, biyo xireenka beeraha, jidadka iyo dekedaha.

Shirkii ay madaxda Soomaaliyeed la qaateen xoghaya guud waxay kaga hadleen baahida ummadda Soomaaliyeed u qabto in laga hormarsho kaabayaasha dhaqaalaha dalka, Qaramada Midoobay sidii ay u sii wadi laheyd kaalmada ay siiso Soomaaliya gobannimda ka dib iyo in xal waara laga gaaro khilaafka xuduudaha. Madaxdii Soomaaliyeed mar ay ka hadlaayeen xiisadda soohdinta labada dal, waxay falanqeeyeen wacyigii taariikheed ay ummadda Soomaaliyeed ku sugneyd intii ka horeysay heshiisyadii gumeystaha ay la dhigteen dalka Itoobiya ay ku xalaaleysatay dhulka Soomaaliyeed iyadoo dadka Soomaaliyeed ee la raacshay aysan jirin waxa ay la wadaageen dadka Itoobiya ha ahaato askun, dhaqan, taariikh, af, dhalasho iyo diinba.

Taa ka sokow, waxay kaloo u sheegeen in heshiisyada xuduudaha ee gumeystayaasha ay ku dhaceen si aan sharci aheyn in dhulka Soomaaliyeed la wareejiyey iyadoo dadka Soomaaliyeed aysan ogeyn, sababtuna ay tahay arrin la xariirta dhaqaale iyo Istaraatijiyad awgeed. Madaxdii Soomaaliyeed oo arrinkaasi cuskanaya waxay sheegeen in Itoobiya iyo Soomaaliya ay yihiin laba dal oo daris ah oo aad isugu baahan saa awgeedna ay labada dowladood wada dheefsadaan batroolka iyo qeyraadka ku jira dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya heysato oo kaligeed ay dooneyso inay u xaq yeelato. Xoghayaha markii uu ka hadlaayey xaaladda geeska Afrika wuxuu sheegay inuu booqasho ku soo maray dalka Itoobiya intusan imaan Soomaaliya, lana soo kulmay Boqor Xayle Salaase, islamarkaana uu ku niyadsan yahay xal laga gaaro nabadraadinta muranka xadda labada dal iyo sidii gobolka geeska Afrika loogu noolan lahaa nabadgalyo waarta.

Haddaan u soo laabto Talyaaniga iyo Itoobiya dhagartooda dadban ay labaduba ku hayeen Soomaaliya waxay aheyd “Qawda maqashii waxbana ha u qaban” oo la mid ah in aan xali nabadeed laga gaarin khilaafka xuduudaha iyo uussan hano qaadin heshiis kastaa oo lagu baabi’inayo muranka soohdimaha labada dal ama lagu soo wareejinaayo dadka Soomaaliyeed ee dhulka Itoobiya degan. Labada dal si wada hadalkooda u fashilmo waxay qiil ugu dhigeen in leysku afgaran waayey halkii laga amba qaadi lahaa gorgortanka muranka xuduudaha, taana waxay keentay labaduba inay warbixin u gudbiyeen Qaramada Midoobay. Talyaaniga wuxuu soo jeedshay in Qaramada Midoobay ay soo kala dhexgasho labada dal si muranka meel dhexe looga amba qaado, halka Itoobiyana ay codsatay in xalka qilaafkooda loo saaro guddi madaxbanaan, saas awgeed golaha Qaramada Midoobay waxay ansaxiyeen codsigii Itoobiya waxaana la ogolaaday in la sameeyay guddiga madax banaan sanadku marku ahaa 1958kii.

Si kasbataba ha ahaatee, Talyaaniga ma dooneynin inuu xumaado xirriirka facadka weyn ee kala dhaxeeyey Itoobiya oo dano saaxiibtinimo iyo kuwa istaraatiji ay wadaageen dowladaha galbeedka iyo NATO. Teeda kale, Talyaanigu wuxuu ku adkeystay inuu ka cagojiido sidii loo xalin lahaa isafgaranwaaga labada dal iyo sidii jid loogu furri lahaa sharuudaha gun iyo sal u ah in diirada lagu saaro xuddunta wada xaajoodka labada dal. Teeda kale, Itoobiya waxay inta badan welwel ka qabtay haddii heshiis dhab ah la gaaro waxay keeneysaa in laga soo gooyo gobolada Soomaalidu degan tahay, taana waxay fursad u tahay shanta Soomaali oo midoowdo iyo inay Itoobiyana ka go’doomto caalamka intiisa kale, taana ay khatar lixaad leh ay ku tahay danaha Itoobiya ee geeska afrika dhaqaale ahaan, siyaaso ahaan iyo miletari ahaanba. Soomaali waxay ku maahmaahdaa “Gacmo Geel-jire hoos baa loo dhaqaa” Xeyle Sillaase wuxuu ka codsaday sedexdii gumeysiga (Ingariiska, Talyaaniga iyo Farasiiska) inay faraha kala baxaan arrinka khilaafka xuduudaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya isla markaana ay xushmeeyaan heshiisyadii dhexmaray iyaga iyo Itoobiya ee ku saabsanaa dhulka Soomaaliya. Nasiibdaro markii la soo gaaray Sannadkii 1960kii, Soomaaliya waxay heshay madax-bannaani siyaasadeed iyadoo wali ay taagan tahay khilaafkii xuduudaha.

Muranka xuduudaha labada dal wuxu ahaa arin xasaasi ah oo aad umuhiim ah marka la doonayo in la xaqiijiyo wareejinta dadka Soomaaliyeed ee dhulkaasi degan, saa awgeed goleha wasaayadda Qaramada Midoobay wuxu aad ugu dooday mashaakilka xuduuddaha Soomaaliya iyagoo tilmaamay dadka Soomaaliyeed ee Itoobiya ku nool in aysan jirin wax askun ah ay la wadaagaan dadka xabashida, waxay sheegeen inay jirto kala duwanaan xagga isirka, diinta, taarikhda iyo dhaqankaba, taasuna waxay ku sheegeen in ay ka hor imaaneyso aragti lagu kala qeynbin karo ummadda Soomaaliyeed ama Itoobiya lagu hoosgeyn karo dhulkaas. Qaramada Midoobay ujeedada ugu weyn ay ka laheyd xalinta mashaakilka xuduudaha Soomaaliya waxay ahayd in la cadeeyo halka ay marto soohdinta kala qeybisa Soomaaliya iyo Itoobiya, waxay kaloo aheyd arrin la xiriirta nabadgalyada labada dal iyo sharciyenta dhulka Soomaaliyeed oo juquraafi ahaan loo arkaayey haddii aan xal laga gaarin arrinka xuduudaha inaynaan Soomaaliya buuxin karin sharuudaha lagama maar maanka ah ee ku xiran gobanimadeeda

Waxaa xaqiiq ah marki wadan xornimo qaadanayo waa in uu helaa aqoonsi caalami ah, saas awgeed waxaa marag ma doonto ah in Qaranka dhalanaya uu leeyahay tiirar gobannimadiisu ay ku fadhido. Haddaan tusaale u soo qaato tiirarka Qaranku ku dhisan yahay ee lagama maarmanka ah waxaa ka mid ah: waa in Qaranku leeyahay xuduudyo iyo juquraafi cayiman oo lagu aqoonsado; waa inuu jiraa dad joogto ah oo qarankaas hoos yimaada oo jinsiyadooda, taariikhdooda, dhaqankooda iyo luuqadooda isku xiran tahay isla markaana dhulkaasi degan; in dadkaasi leeyihiin tab-maamul iyo hogaan siyaasadeed oo awood u leh inuu maareeyo dalkaas wixi ku sugan dushiisa iyo gudahiisa. Markii Qaranku buuxsho tiirarkaasi wuxuu aqoosigiisa buuxa ka helayaa Qaramada Midoobay in uu ku soo biiro.

Waxaa kaloo tusaale ahaan loo bixin karaa: aqoonsiga Qaranku wuxuu bilaabanayaa waqtiga Qaranku curto, dhalashadiisa kadib wuxuu yeeshaa shuruuc iyo qanuun dowli ah, awood uu ku guto waajibaadkiisa Qarannimo iyo xirriirkiisa diblomaasi uu la yeelanayo ummaddaha kale ee adduunka. Saas awgeed xukuumadii Re’iisul wasaare Cabdulaahi Ciise waxay dooneysay inta aan la gaarin gobannimada in meel la saaro khilaafka xuduudaha ina dhexyaal innaga iyo Itoobiya si loo xaqiijiyo marki ay dhamaato tobonka sano ee maxmiyada in Soomaali oo dhan ay ku midowdo dowlad qura iyo hal calan, sidaana lagu hirgaliyo xuduud sharci ah oo kala xadeeya labada dal. Xukuumadii Daakhilka, si kastaba ha u dadaashee waxay ka rajo beeshay in laga miro dhaliyo fulinta heshiisyadi laga gaaray wada xaajoodka xuduudaha inta aan la gaarin madax-bannaanida Soomaaliya.

Waxa layaab noqotay in xaajada xuduudaha uu golaha wasaayadda u xilsaaray Talyaaniga oo sida la ogyahay Itoobiya kula heshiiyey dhul Soomaaliyeed inay sohdimihiisa kala suntaan, taana ay hubaal ka dhigtay rajadii la filaayey khilaafka xuduudaha in dhinac la iska dhigay oo xaajadii xuduudaha looga gudbay inuu dhasho Qaran Soomaaliyeed oo aan la cadeyn xuduudahiisa. Arrinkii xuduudaha wuxuu ku dhamaaday “col ku dhac, tuugana hakuu ciidamiso”. Khilaafka xuduudaha qeybahiisa muhiimka ah iyo dadaaladi madaxda labada maxmiyad Koonfur iyo Waqooyi waxaan gebigood ku soo qaadan doona qeybaha dambe gaar’ahaan markii la soo gaaro dhismihii Ururka Midowga Afrika 1963kii iyo warbixintii xuduudaha ay madaxdii Soomaaliyeed la tageen madashii lagu dhisay Ururka Midowga Afrika.

Bishii 1da Luulyo 1960kii, markii ay dhamaatay muddadii tobonka sanadood ee xornima gaarsiinta, labadii gobol ee Soomaaliya gobonimo helay israaceen, waxa halkaa lagu dhisay dowlad ku meelgaar oo talada dalka heysa inta dustuur cusub la sameynayo oo dadweynuhu codkooda ku ansixayaan. Bishii Juun 20dii, 1961kii waxa cod loo qaaday Distuurki cusbaa, natiijadii ka soo baxday waxay noqotay miyi iyo magaalo 96% inay ogalaadeen. Ka gadaal, markii Distuurki hirgalay waxa madaxweyne loo doortay mudane Aadan Cabdulle Cusmaan, isaguna wuxuu Re’iisal wasaare u doortay mudane Cabdirashiid Cali Sharmaake oo isna soo magacaabay wasiirkii arimaha dibadda Soomaaliya mudane Cabdullaahi Ciise Maxamuud iyo ku xigeenkiisa mudane Maxamed Cali Da’ar. Talabadii ugu horeysay ee la qaado siyaasadda dibadda waxay noqotay in la dhisto qaran Soomaaliyeed oo dhinac kasta isaga filan, dhaqaalaha wadanka sare loo qaado, in la hormarsho nabadgalyada qaranka iyo howshii mideynta qoyskii Soomaaliyeed horey loo sii wado illaa iyo intii sedexda qeyb ee maqan ay madaxbanaanaato. Mideynta ummadda Soomaaliyeed waxa lagu cadeeyey dastuurki Soomaaliya ee la ansaxiyey 1961dii, taana waxay daliil u tahay heerka damqashada dowlada Soomaaliyeed ay u muujiyeen xornimda walaalaha maqan iyagoo waliba aaminsanaa labada qof ee Soomaalida ahi ee ku kala nool Soomaaliyada xorta ah iyo kuwa hoos joogay dalalka la raacshay inay isku xaqyihiin, inay dalkooda iyo sharafka Soomaalinimada u wada siman yihiin.

Xagga siyaasadda arrimha dibadda waxa xiligaa laga qaaday tallaabooyin lixaad leh oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa dhibaatadi isticmaarku ka tagay iyo baahidda loo qabay in xali nabadeed laga gaaro muranka xuduuddaha, taana waxa loo maray dhabo qodxo badan. Xukuumadii Re’iisul wasaare Cabdirashiid waxa u muuqatay in aan dowladi ka miro dhalin karin dhaqdhaqaaq xornimodoon ah haddii aan la helin taageero caalami ah, saas awgeed xukuumada waxay ku dhaqaaqday in arrinka walaalaha maqan lala kaashado ururo caalami ah oo aaminsan in ummadaha adduunka ay ku noolaadaan xornimo. Mabda’aa isaga ah waxa uu ku xusnaa xeerka 2aad ee Qaramada Midoobay iyo xuquuqda aaddamiga oo labaduba aqoonsanaa inuu bani’aadamku u dagaalamo xoriyadiisa iyo mustaqbilkiisaba. Waxa kaloo inta aan la dhisin Ururka Midowga Afrika aragtidaa aaminsanaa daladihii Afrikaanka ee ku mideysaa kooxaha Casablanca iyo Monrovia, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka, Ururka dowladaha dhexdhexaadka iyo kuwa nabada jacel ee addunka. Taana waa midda keentay Soomaaliya inay xubin buuxda ka noqoto ururka dowladaha dhexdhaadka ah oo lagu aasaasay dalka Yugoslaafiya bishii Sebtember 1961dii, shirkaa isaga ahna waxa dowlada Soomaaliya ugu qeyb galay madaxweynihii Soomaaliya mudane Aadan Cabdulle Cusmaan oo ka mid ahaa aasaasayaashii ururkaasi.

Haddaba dowlada Soomaaliya iyadoo aaminsan si nabadgalyo ah in lagu xaliyo dhulalka maqan waxay ku dadaashay dhabbe nabadeed inay u marto iyadoo qaadeysa tallaabooyin diblomaasi si hiil iyo hooba ay kaga kasbanayso taagerada dawladaha adduunka. Dadaalkii xukuumada waxa ka mid ahaa ka qeybgalka shirirkii qaayaha badnaa ee lagu xoojinaayey dhaqdhaqaaqi xornimodoonka qaarada Afrika ee lagu qabtay dalka Congo magaalada Leopoldville bishii Agoosto 1960kii, oo looga hadlaayey madaxbanaanida dhuleed ee dowladaha Afrika ee xorta ah iyo taageero loo muujinaayey xukuumadii sharciga aheyd ee Beatrice Lumumba oo markaa Beljimka ku hayey qalaaso. Taa waxa raaca shirkii 3aad ee ummadaha Afrika ee lagu qabtay magaalada Qaahira bishii maarso 1961kii, kii lagu qabtay magaalada Manroofiya ee dalka Laybeeria bishii Maajo 1961 oo dhamaan qodobadii looga hadlaayey shirarkaasi ay ugu muhiimsanayeen sidii Afrika ay u midoobi laheyd iyo in gacan buuxda la siiyo qowmiyadaha qaaradda Afrika ee u dagaalamaya aayahooda.

Xukuumaddii Soomaaliya oo wali la tacaaleysa fulinta sidii lagu heli lahaa xoolo lagu dhiso ilaha dhaqaalaha dalka, gaashaandhiga iyo in la soo wareejiyo dhulalka Soomaaliyeed ee maqan ayaa inagoo tabar daran oo dhowr bilood xor ah waxaa Jamhuuriyada Soomaaliya weerar cir iyo dhul ah ku soo qaaday ciidankii Itoobiya. Weerarkaasi burcadnimada ah wuxuu geestay khasaarooyin lixaad leh, taana waxey keentay in golehii Baarlamaanka Soomaaliyeed uu fadhi deg deg ah ka yeesho iyagoo si weyna ugu hadlay inay lagama maarmaan tahay in la dhiso ciidan Soomaaliyeed oo quwad leh oo daafaca nabadgalyada guud ee dalka. Wuxuu kaloo goleha ka dooday in xornimo gumeysi laga xoroobay aynnaan micno yeelaneynin haddii waddankeena uussan badbaadin karin Qarannimadiisa ama uussan ka hortagi karin cadowgiisa dibadda iyo kan gudaha oo labaduba u birtumanaya inay daciifiyaan quwada Qarannimada Soomaaliyeed. Saa awgeed dowlada Soomaaliya iyadoo u daneynaysa nabadgalyada guud ee dalkeena waxay xil iska saareen inay dib u dhisaan ciidankeena gaashaandhiga oo lagama maarmaan u ah daryeelka nabadgalyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha dalkeena, arrinkaasi qabanqaabadeeda waxa loo xilsaaray xukuumadda Re’iisul wasaare Cabdirashiid inay u gun-xaarto.

Qoraalkani waa mid taxane ah, wali waxaan ku jirnaa labadii sano ugu horeysay gobannimda wixii laga qabtay nabadgalyada Qaranka, horey u dhigidda dhaqaalaha dalka iyo diblomaasiyadda caalamiga.

 

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | North America

.

sinaandoon@outlook.com

Hassan Ahmed Sheikh

Canada

FG: Hassan Ahmed Sheikh, wuxuu si kooban ugu faallooda raad-raaca taarikhda xukuumadihii soo maray Soomaaliya, dhabihii dheeraa ee la soo maray iyo dhibaatooyinkii waaweynaa ee bulshada Soomaaliyeed ka horyimid si ay qeyb xusuus ah ugu noqdaan taarikhda dalka.

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment