1185 Views

Puntland iyo Galmudug oo mamnuucay isku socodka gaadiidka Bajaajta ee Gaalkacyo

Puntland iyo Galmudug oo mamnuucay isku socodka gaadiidka Bajaajta ee Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Guddoomiya Gobalka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Maanta guddoomiyay Shirka Amniga Gobolka Mudug oo ay si wada jira uga wada qayb galeen Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Shirka oo totobaadle ah ayaa waxaa Goob joog ahaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug, Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Gobolka Mudug,Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Puntland iyo qaar kamida taliyayaasha Booliska labada dhinac Ee Gobolka Mudug.

Kulanka ayaa waxa uu kadhacey Xarunta Maamulka Gobalka Mudug Ee Galmudug, waxaana kasoo baxey Go,aamo ku saabsan in wixii ka bilowda sideeda fiidnimo la hakiyey socodka Gaariga loo yaqaan Bajaajta arimo la xiriira xaalado amni awgeed.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post