393 Views

Dowladda Morocco oo shati siisay beeraleyda si ay u beertaan xashiishka si markii ugu horreysay dalkaas looga dhoofiyo.

Dowladda Morocco oo  shati siisay beeraleyda si ay u beertaan xashiishka si markii ugu horreysay dalkaas looga dhoofiyo.
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 6, 2022

Beeraleyda ku sugan gobollada al-Hoceima, Chefchaouen iyo Taounate ayaa loo ogolaaday inay beertaan xashiishka si loo xoojiyo wax soo saarka xashiishka loona iibiyo iyadoo loo isticmaalayo qaab dawo ah, waxaana laga iibin doonaa warshadaha iyo shirkadaha soo saara dawooyinka, sida ku xusan sharci ay anisiyeen baarlamaanka Morocco sanadkii lasoo dhaafay.

Laanta dowladda u qaabilsan maamulka Xashiishka oo beeraleyda fasaxa siisay ayaa sheegay in beeraleyda lagu dhiirigelinayo inay sare u qaadaan wax soo saarka Xashiishka si ay u dabboolaan baahida ka jirta suuqyada.

Morocco waxay in muddo ah kamid aheyd dalalka soo saara xashiishka sharci darrada ka ah dunida.

Waxaana xashiishka lagu beera dhulka buuraleyda ah ay ku nool yihiin dadka saboolka ah ee la marsiiyo dadka sida sharci darrada ah ugu gudbayo Yurub.

Dowladda waxay tallaabadan uga golleedahay inay sare u qaado nolosha beeraleyda saboolka ah si ay dhaqaale uga helaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post