789 Views

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo oo tacsi u diray Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan oo ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday  Farmaajo oo  tacsi u diray   Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan oo ku geeriyooday magaalada Hargaysa.
____________________________________________________________________________

Sabti: 13/2/2021

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, dhaqanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cabdullaahi oo ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu tilmaamay in Marxuumku uu door muuqda kasoo qaatay dib u heshiisiinta, adkeynta wadajirka iyo dadaalladii dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey Isimada iyo guud ahaan hoggaanka dhaqanka Somaliland, geerida ku timid Marxuumka oo ahaa Suldaankii Guud ee Somaliland.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir waxa uu ka soo qeyb qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed. Waxa uu ka mid ahaa hormuudka dhaqanka Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey dib u yagleelidda Qarannimada dalkeenna iyo wadajirka shacabkeenna, isaga oo si gaar ah uga qeyb qaatay Shirkii Carta 2000, kana mid noqday Xildhibaannadii Dowladdii Kumeelgaarka ahayd.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Qoraalka tacsida ee ka soo baxay Villa Somalia ayaa intaas ku daray, “Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.”

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post