924 Views

Wariye loo geystay dhaawac culus lagana qaatay Mobilkiisii xalay

Wariye loo geystay dhaawac culus lagana qaatay Mobilkiisii xalay
____________________________________________________________________________

April 20-2021

\Rag ku hubeysnaa Mindiyo ayaa waxaa la sheegay in xalay ay magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku dhaawaceen Wariye Ficil Burkud oo katirsan Warbaahinta Daljir, iyaga oo ka qaatay taleefoonkiisii gacanta.
Maamulka Warbaahinta Daljir ayaa waxaa ay sheegeen in wariyaha uu dhaawaca kasoo gaaray garabka midig, gacanta iyo bowdyaha, isla markaana muddo saacado ah uu koomo galay wallow markii dambe uu kasoo baxay.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska Magaalada Boosaaso ay gaanta ku dhigeen Saddex rag ah oo watay Mindiyo iyo Mobile-kii ay ka dhaceen, kuwaas oo lagu xiray Saldhiga Magaalada Boosaaso.
Magaalada Boosaaso iyo degaannada ku dhow dhow ayaa dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay waxaa ka dhacayay falal amni darro oo ay kamid tahay dhaca Mobeelada, iyada oo taliska Booliska Gobolka Bari ay sheegeen inay waxka qaban doonaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post