927 Views

Australia oo lagu eedaynayo inaanay qaadin tallaabo ku filan oo looga hortagayo hawada wasakhaysan

Australia oo lagu eedaynayo inaanay qaadin tallaabo ku filan oo looga hortagayo hawada wasakhaysan
____________________________________________________________________________

Sabti: October 2, 2021

  

Iyadoo muddo bil ah ay ka harsan tahay shirweynaha cimillada ee Qaramada Midoobay ee ka dhici doona magaalada Glasgow – ayaa inta badan dalalka waxa ay sare u qaadayaan ballanqaadyadooda si ay isugu dayaan in hoos loo dhigo heerka kulaylka caalamka.

Hasayeeshee Australia oo ka mid ah meelaha ugu sarreeya hawada wasakhaysan dunida ayaa waxaa lagu eedaynayaa inaanay qaadin tallaabo ku filan wax ka qabashada arrintaasi.

Weli Australia ma aanay ogolaan inay qiiqa hawada ay ku sii dayso ay ebar ka dhigto wixii loo gaaro 2050, todobaadkii tagayna Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Scott Morrison ayaa sheegay inay suuragal tahay inuusan ka qeybgelinba shirka COP26.

Weriyaha BBCda Australia uga soo warranta Shaimaa Khalil ayaa tagtay meel macdanta laga qodo si ay wax badan u soo ogaato.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post