768 Views

Qarax lala beegsaday dadka ka qeybgalayay munaasabad aas ah

Qarax lala beegsaday dadka ka qeybgalayay munaasabad aas ah
____________________________________________________________________________

Sabti: July 30 2021

Tiro dad ah ayaa ku dhintay qarax bambaano ah oo lagu weeraray goob ay ka socotay munaasabad aas ah oo ku taalla waqooyiga magaalada Baqdaad halkaas oo lagu qabanayay dadweyne badan ay ku sugnaayeen.

Ilo wareedyo ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegay in 13 qof ay ku dhinteen halka tiro dad ah ay ku dhaawacmeen qaraxa ka dhacay degmada Yathrib.

Waxaana weerarkan lagu eedeeyay kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka.

Weerarkan ayaa imaanaya labo toddobaad uun kadib markii kooxda IS ay weerar ku qaaday suuq mashquul badan oo ku yaalla Ciraaq halkaas oo tiro dad ah ay ku dhinteen

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post