423 Views

Weerarro dad lagu laayay oo ka dhacay Israa’iil

Weerarro dad lagu laayay oo ka dhacay Israa’iil
____________________________________________________________________________

Arbaco March 30, 2022

 Nin hubeeysan ayaa weerar ay dad ku naf wayeen ka geeystay gudaha Isra’iil, Muuqaal laga soo duubay goobta uu falka ka dhacay ayaa muujinaya ninka hubeysan oo ku labisan dhar madow oo ka gudbaya waddo, islamarkaana rasaas ku ridaya dad goobta ku sugnaa.

Sida ay sheegtay warbaahinta Jerusalem Post, qaar kamid ah Dadka la dilay ayaa lagu toogtay wadadda dhinaceeda, halka meydka hal qofna laga dhex helay gaari.

Ra’iisul wasaarihii hore israaiil haatanna ah hoggaamiyaha mucaaradka Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Israa’iil ay ku jirto mowjado amni darro baahsan oo aan horay loogu arag, waxaa uuna ku baaqay in la qaado tallaaboyin lagu soo celinayo nabadda iyo ammaanka.

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warramaysa in qofka weerarka geystay uu ahaa 27 jir Falastiini ah oo ka soo jeeday tuulo ku taal woqooyiga Daanta Galbeed ee la haysto.


Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post