843 Views

Rag ka walaacsan xaaladda 18ka xaas ee uu ka dhintay boqorkii reer Nigeria

Rag ka walaacsan xaaladda 18ka xaas ee uu ka dhintay boqorkii reer Nigeria
____________________________________________________________________________


Arbaco: May 11, 2022

Boqor kasoo jeeday dalka Nigeria ayaa la sheegay in uu ka tegay 18 xaas, boqor Lamidi Olayiwola Adeyemi III ayaa dhawaan ku geeriyooday dalkaas.

Ragg badan oo u tacsi tageya qasriga boqorka ayaa la sheegayaa inay ka walaacsan yihiin waxa ay ku dambeeyaan xaaladda xaasaska uu ka tegay ninkaas.

Boqorkan oo kasoo jeeday qwomiyadda Yoruba ayaa wuxuu dhaqankooda dhigaya in cidna aan loo ogoleyn inay guursato xaasaska boqorka haddii uu geeriyoodo gaar ahaan kwa caanka ah sida Lamidi Olayiwola Adeyemi III.

Koox ka tirsaneyd BBC-da qeybta Yoruba ayaa dabayaaqada bishii hore la hadashay odayaasha deegaannka si loo ogaado halka ay ku danbeyn doonaa 18-kan xaas oo u badan hablo da’da yar oo uu ka tegay boqorka.

Sida laga soo xigtay Baba Araba oo kamid ah odeyaasha ayaa sheegay xaasaska uu ka tegay boqorka marka laga doonayo inay sameeyaan “opo”, oo ah caado dhaqameed oo ay carmallada ka sameeyaan gudaha Yorubaland marka uu ka dhiunto seygooda.

Taas macneheedu waxay ka dhigan tahay in aanay fsoo dhaxgeli karin dadweynaha muddo cayiman isla markaana kama qaybgali karaan xafladaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post