Talaado: May 31, 2022
Qiimaha Shidaalka ayaa sare u kacay ka dib markii madaxda Midowga Yurub ay xalay ku heshiiyeen in Ruushka laga mamnuuco soo dejinta Shidaalka.
Saliida Brent ayaa kor u kacday oo halkii foostaba ay gaartay 123 dollar maalintii talaadada, waana heerkii ugu badnaa ee uu gaaray muddo laba bilood ah.
Qiimaha saliidda iyo gaaska ayaa sare u kacay bilihii la soo dhaafay, taas oo ay uga sii dareen dagaalka Ukraine.
Shidaalka Ceyriinka Brent ayaa kor u kacay in ka badan 70% sanadkii la soo dhaafay.
Cunaqabataynta Ruushka ay ku soo rogeen midowga Yurub ayaa hadda uga sii dartay xaalada,hadda 40% qiimihii saliidda Midowga Yurub ayaa mar kale kor u kacay.
Ruushka ayaa 27% soo saaro saliidda ay isticmaalan wadamada EU-da.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________