2592 Views

Guddoonka Baarlamaanka Oo Isku Khilaafsan Xilliga Xildhibaanada La Horgeynayo Mooshinka.

Guddoonka Baarlamaanka Oo Isku Khilaafsan Xilliga Xildhibaanada La Horgeynayo Mooshinka.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 26, 2018–Gudoomiye ku xigeenada 1-aad iyo 2-aad ee golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa isku khilaafsan waqtiga Xildhibaanada la hor geynayo Mooshinka ka dhanka ah Gudoomiye Jawaari.

Cabdiwali Shiikh Ibraahim Muudey Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Mudanayaasha Mooshinka la hor geyn doono 31-ka bishaan oo Sabtida ku beegan, waxa uuna Xildhibaanada ka dalbaday in Khamiista ugu dambeyn ay kusoo xaroodaan.

1111111111111111111111111

Mahad Cabdalla Cawad Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka ayaa durba diidmo kala hor yimid waqtiga Muudey uu qabtay xilliga Mooshinka la hor geynayo Xildhibaanada.

Waxa uuna sheegay in ka go’aan gaarista arrintaan ay leeyihiin Guddoonka Baarlamaanka, Guddiyada Joogtada iyo Guddi hoosaadyada Baarlamaanka, balse Gudoomiye Muudey uu baal maray Guddiyada awoodda u leh sida uu hadalka u dhigay.

Mahad  ayaa Muudey ku eedeeyay in uu iska indha-tirayo qodobo kamid ah Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, waxa uuna meesha ka saaran in sharci darro ay tahay u adeegsiga ereyga ah ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo uu Gudoomiye Jawaari joogo dalka, sidoo kalana aanan aheyn ku simaha Madaxweynaha sida uu dhigayo qodobka 94-aad, farqadiisa 2-aad

i1 i2.

Arrintaan ayaa sii beereysa Khilaaf horleh oo kasoo ifbaxa Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, Maadaama ay ku kala aragti duwan yihiin waqtiga rasmiga ah ee Xildhibaanada la horgeynayo Mooshinka laga gudbiyay Afhayeenka Golaha Shacabka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment