393 Views

Xildhibaano ka tirsan BJFS oo ka qeyb galay fadhiga guud ee Baarlamaanka Adduunka

Xildhibaano ka tirsan BJFS oo ka qeyb galay fadhiga guud ee Baarlamaanka Adduunka
____________________________________________________________________________


Sabti: OCTOBER 15, 2022

Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka qayb galay fadhiga guud ee Baarlamaanka Adduunka.

Kulankan oo ahaa kii 145-aad ee Baarlamaanka Adduunka  ayaa waxaa Soomaaliya uga qayb galay Shan Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka labadiisa Aqal oo ay ka mid ahayd Senator Samsam Daahir Maxamuud.

Fadhiga kulanka oo looga hadlay arrimo badan ayaa saddex maalin oo ka mid ah waxaa looga hadlay ka qayb galka siyaasadda ee Haweenka iyo sida guulo looga gaaray tobankii sano ee ugu dambeeyay.

Senator Samsam Daahir Maxamuud oo khudbad halkaas ka jeedisay ayaa faahfaahisay horumarka ay Haweenku ka gaareen ka qayb galka siyaasadda iyaga oo hadda soo gaaray xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, taasina ay tahay guul ay ku tallaabsadeen Haweenka Soomaaliyeed.

Xildhibaanada Soomaaliya uga qayb galay kulanka Baarlamaanka Adduunka ayaa sidoo kale afarta sano ee soo socota fadhiyada Baarlamaanka Adduunka ku matali doona Soomaaliya, waxayna kala yihiin :-

  1. Senator Samsam Daahir Maxamuud
  2. Xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud (Xayd).
  3. Xildhibaan Faarax Macalin Bishaar
  4. Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed
  5. Xildhibaan Nuradiin C/laahi Colujoog.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post