630 Views

Safaarada Somaliya ee Kenya shalay iyo maanta Markii ugu horeyssay oo laga dhisayo dhisme uu Dago Safiirka Somaliya iyo Masjid wayn, Sawiro..

Safaarada Somaliya ee Kenya shalay iyo maanta Markii ugu horeyssay oo laga dhisayo dhisme uu Dago Safiirka Somaliya iyo Masjid wayn, Sawiro..
____________________________________________________________________________

Talaado: February 15, 2022

Isbeddel weyn ayaa laga dareemayaa safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee waddanka Kenya, marka loo eego marxaladihii kala duwanaa ee ay safaaradu ku soo shaqeysay 16-kii sanno ee u dambeeyay. 

Isbeddeladan oo ah kuwa ishu ay qabaneyso ayaa waxaa ka mid ah; dhismaha safaaradda oo la balaariyay, masjid weyn oo laga dhisay gudaha safaaradda, dadka howlaha shaqo u yimaada safaaradda oo loo diyaariyay qeybo gaar ah,  & nidaamkii shaqo ee safaaraddaoo ay hufnaani ka muuqato. 

Safaaradda oo aan maanta booqasho ku tegay ayaa kula kulmay dad howlo shaqo u yimid, waxaanna dadkaasi ay u muuqdeen kuwa ku faraxsan howlaha safaaradda. 

“Madaxdu waa 2 nuuc, mid marka uu xilka hayo xittaa isaga oo wax qabanaya ayuu mudnaanta siinayaa dantiisa shaqsiga ah, mid na wuxuu aamisan yahay ummadda xilka kuu dhiibatay taariikh kaga tag; Safiir Tarzan waa dadka ay ka go’an tahay marka xil loo dhiibo inuu ummadda si daacadnimo ah ugu shaqeeyo, kana soo dhalaalo kaalintiisa. Dib u fiiri taariikhdiisa weli dadku way xasuustaan wixii uu ku qabtay Gobolka Banaadir, nalalka jidadku ku dhegan maamulkiisa ayaa qabtay” Sidaa waxaa yiri Ganacsade Muxudiin Cali oo ka mid ahaa dadkii aan kula  kulmay gudaha safaaradda, wuxuuna sheegay in uu ka mid yahay dadka ku faraxsan isbeddelka dhanka horumarka ah ee ay safaaradu ku tillaabsatay. 

“Waxaan ka shaqeeyaa “Agency”  howsheenu waxay tahay soo saarista viisooyinka, waxaan tegay safaarado badan oo Afrikaan & Asian ah, waa ka maseeri jiray safaaradahaasi marka aan howl u tago, maanta marka aan arko sida safaaradeenu u shaqeyneyso waa ku faraxsanahay in safaaradeenu u ekeeto ama la tartami karo safaaradaha caalamka” Ayuu yiri Cabdinaasir Xassan, isaga oo intaasi raaciyay in dhulka safaarada weliba ay ku fadhido uu yahay dhul dalkaagii oo kale ah. 

Safaarada Somaliya ee Kenya ayaa Xiligaan Waxay tahay safarada ugu waawayn dhisme ahaan Marka loo eego Dalalka afrika safaaradahoosa ku yaala dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi, safaarada ayaa xiligaan ka duwan safaaradii hore ee ay ku shaqayn jireen safiiradii Soo maray 16-kii sano ee la soo dhaafay ee Danjire cali amerika iyo Danjire Jamaal.

Safaaradii hore oo ahayd mid kiro  ah oo ay daganeed safaarada ayaa ahayd dhisme aad u yar oo aysan ku habooneyn safaarad, balse safaaradan ayaa ah mid aad u wayyn balac ahaan iyo dhisme ahaan, waxayna ka kooban  tahay Qeybo kala duwan, sida Qeyb dadka ay fadhiistaan, qeyb Bakin Ah, Qeyb adeega safaarada ay ku shaqayso, Qeyb gaar ah oo ah Qeybta Qadashada Pasaporka  iyo xareenta iyo Qeyb kale oo ah qeybta dadka balanta leh ay fadhiistaan,  bulshada Soomjaaliyeed ayaa xiligaan helay safaarad dhameestiran.

Sidoo kale Safiirka soomaaliya ee Kenya Danjire Tarsan ayaa waxa uu Howlo muhiim ah Xiligaas ka waday safaarada, intii aan ku guda jiray Howlahayga shaqo oo aan ugu kuur galayo safaarada, waxaa indha hayga qabanayeen Danjire Tarsan oo la hadlayo shacabka ku sugnaa qaybta Sugista Pasaporka, asaga oo waydiinaya xaaladooda iyo in shaqada si fiican loogu wado, waxa uuna ku war galinayay in ay Xirtaan Maska maadaama xanuunka Covid-19 uu ka jiro dalalka caalamka gaar ahaan dalka Kenya, waxa uuna kula dardaarmaayay in ay kala fogaadaan si ay u yaraato qatarka Xanuunka Covid-19-.

W/Q/ Wariye Abdihakim Elmi Hassan

Nairobi Kenya

Tell-+254-711830393

Email-Cabdixakiin441@hotmail.com

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post