948 Views

Waxgaradka Jubbaland oo dhex dhexaadin ka dhex bilaabay dowladda dhexe iyo Axmed Madoobe

Waxgaradka Jubbaland oo dhex dhexaadin ka dhex bilaabay dowladda dhexe iyo Axmed Madoobe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogoosto 31, 2019 –Qaar ka mid ah waxgaradka degaanada maamulka Jubbaland ayaa bilaabay dadaallo lagu dhex dhexaadinaayo dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen waxgarad ku sugan Kismaayo.

Odayaasha oo is xilqaamay ayaa la kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana ay kala hadleen sidii xal looga gaari lahaa Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedka Jubbaland.

Kulan ayay la qaatay sidoo kale Musharaxiinta kasoo horjeedda Axmed Madoobe ee isku doortay Magaalada Kismaayo, waxaana ay sheegeen in ay rajo fiican ka qabaan in lasoo Afjaro Khilaafka ka dhashay doorashada.

Odayaasha dhaqanka ayaa lagu waddaa in ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho si ay ula kulmaan Madaxweyna iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Odayaasha dhaqanka, Culimada iyo Ururada Haweenka ayaa horay ugu guuleystay in aysan Magaalada ku dagaallamin Madaxweynayaasha is doortay iyo Madaxweynaha Baarlamaanka Jubbaland ay doorteen ee Axmed Madoobe.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment