1584 Views

Sawirro:-La-Xisaabtan Ku Bilaawday Laba Ka Mid Ah Maxkamadaha Degmooyinka G/Banaadir

Sawirro:-La-Xisaabtan Ku Bilaawday Laba Ka Mid Ah Maxkamadaha Degmooyinka G/Banaadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 25, 2018 –Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullahi ayaa Maanta kormeer shaqo ku tagay Maxkamadaha Degmooyinka Dayniile Iyo Warta Nabada waxaana ku soo dhaweeyay Howlwadeenada Maxkamadaha Degmooyinka ayadoo uu la kulmay Bulshada degmooyinkaas Iyo Taliyaasha labada Saldhig Macalin Faarax iyo Macalin Daahir asagoo kawareystay labada Guddoomiye iyo labada Taliye wadashaqeynta u dhaxeysa.

Guddoomiyaha Maxkamdda Rafcaanka Gobollka Banaadir ayaa kormeer joogta ku sameeya Maxkamadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir asagoo u kuur galaya howlaha shaqo ay u hayaan bulshada ku nool Gobolka Banaadir iyo wixii caqabado ka jira habsami u socodka howlaha.

Kormeerka Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa ahaan doona mid joogta ah si loo gaaro Garsoor Caddaalad ku dhisan oo ummadda ugu adeega si Daacadnimo iyo Caddaalad ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment