432 Views

35 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay dalka Burkina Faso

35 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay dalka Burkina Faso
____________________________________________________________________________

 

Talaado: september 6, 2022

Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay waqooyiga dalka Burkina Faso halkaas oo ay ku xooggan yihiin kooxaha jihaad-doonka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Baabuur ay la socdeen dadka ayaa waxaa la kacay qarax miino xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaannada Djibo iyo Bourzanga.

Waxaa qaraxa sidoo kale ku dhaawacmay tiro dad ah.

Weerarada ay kooxaha ka geystaan ayaa sare u kacay Burkina Faso tan iyo bishii January oo ay militeriga talada la wareegeen.

Burkina Faso wuxuu kamid yahay dalalka ugu saboolsan adduunka, wuxuuna la daalaa dhacaya dhibaatooyinka ka dhashay weerarada ay kooxaha ka geystaan dalka ay deriska yihiin ee Mali.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post