1008 Views

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka doodi doona xeerka qoondada haweenka

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka doodi doona xeerka qoondada haweenka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 20, 2020–Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah taariikhduna ku beegan tahay 20/6/2020 waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ah ka doodista xeerka qoondada haweenka oo ka mid ah afarta xeer ee guddiga wadajirka ah loo xil saaray iney soo diyaariyaan.

Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in berri oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan .

Xildhibaanada ayaa lagu waddaa in ay dood adag ka yeeshaan sidda loo sugi karo qoondada Haweenka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post