885 Views

Ciidanka DANAB oo degaano kala wareegay Al-Shabaab

Ciidanka DANAB oo degaano kala wareegay Al-Shabaab
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | December 4,, 2020 –
Ciidanka Kumaandooska xooga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB iyo Ciidanka Daraawiishta Dowlad goboleedka Jjubbaland ayaa si wadajir ah waxaa ay u fuliyeen howlgallo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa a ka fuliyeen degaannada kala ah  Guba-Kibir, Dharkeen iyo Urur Canjeel ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana saraakiisha hoggaamineysay ay sheegeen in uu ahaa mid lagu xaqiijinayay Amniga sidoo kalena looga hortagayay weerarada Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab sidoo kale ay kula wareegeen degaano ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray degaannada Guba-Kibir, Dharkeen iyo Urur Canjeel ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan, hayeeshee Ciidamada dowladda ay weli howlgalka wadaan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post