624 Views

Howlgal lagu soo qabtay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo xubnihii la socday

Howlgal lagu soo qabtay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo xubnihii la socday
____________________________________________________________________________


Axad: April 3, 2022

Ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB iyo kuwa Daraawiishta Galmudug howlgal ay sameeyeen kadib, waxaa ay kusoo qabteen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo xubnihii la socday, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka.

Ciidamada oo iskaashanaya ayaa tagay deegaanka Cadalle ee Koofurta gobolka Mudug, iyagoo halkaa ka sameeyay howlgallo baaritaano, inkastoo halkaas dhawaan ay iyaguna tageen xubno ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo halkaas ku gubay guryo ay lahaayeen dad shacab ah.

Sidoo kale, intii ay howlgalka ku guudo jireen Ciidamada, waxaa ay sheegeen in gacanta kusoo dhigeen xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo watay Gaariga qaraxa sida.
Ugu dambeyn Saraakiisha ayaa tilmaamay howlgalka ay samayeen uu yimid kadib markii ay ka war heleen in xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku howlanaa in qaraxyo ay ku aasaan Wadada Gaalkacyo iyo Hobyo, balse Ciidamada ay kaga hortageen howlgal ay sameeyeen.

Deegaanno iyo degmooyin ku yaala Koofur Gobolka Mudug, waxaa uu mararka qaar dagaal qaraar uu ku dhexmaraa Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Daraawiishta Galmudug oo iskaashanaya iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo uu ka dhasho khasaaro kale duwan oo dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaara dhinacyada iyo dad shacab ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post