360 Views

Taliska ciidanka booliska a oo faahfaahin ka bixiyey rag eedeysaneyaal ah oo loo qabtay kufsi iyo dil, ka kala dhacay Muqdisho iyo Baardheere

Taliska ciidanka booliska a oo  faahfaahin ka bixiyey rag eedeysaneyaal ah oo loo qabtay  kufsi iyo dil, ka kala dhacay Muqdisho iyo Baardheere
____________________________________________________________________________

Axad: DECEMBER 25, 2022

Taliska ciidanka booliska Soomalaiya ayaa faahfaahin ka bixiyey laba kiis oo loo soo qabtay rag eedeysaneyaal ah, labada kiis ayaa kala ah kufsi iyo dil, ka kala dhacay Muqdisho iyo Baardheere.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe oo shir jaraa’id qabtaya ayaa ugu horeyn sheegay inay Muqdisho ku qabteen eedeysane lagu magacaabo Maxamed Cali oo loo heysto kufsi ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Kufsigaan oo maalmihii lasoo dhaafay ku baahay baraha bulshada waxaa ka soo muuqday seddax wiil oo gabar xoogeysa, waxaana hadda Muqdisho lagu qabtay hal eedeysane oo la sheegay inuu baxsad ahaa.

“Eedeysanahaan wuxuu ka mid ahaa seddax nin oo gabar aad u yar tacadi u geystay, kadibna baraha bulshada lagu faafiyey, xogihii ay is dhaafsadeen booliska Baardheere iyo kan Muqdisho ayaa suurta geliyey in ninkaan Muqdisho lagu qabto,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

Ehelka gabadha dhibanaha ah ee kusfiga loo geystay ayaa warbaahinta kula hadlay goobtaan, “Waxaan rabnaa in ninkaan naloo geeyo Baardheere, halkii uu dembiga ku geystay waa in cadaaladda lagu mariyo ninkaan,” ayuu yiri mid ka mid ah ehellada gabadha.

Dhinaca kale afhayeenka booliska ayaa sheegay la soo qabtay askari shalay Kaaraan ku dilay wade mooto Bajaaj, kaas oo cadaaladda la marsii doono, sida uu sheegay Sadiiq Doodishe

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post