279 Views

Ruushkaa oo qirtay in ciidamo badan looga dilay weerar lagu qaaday saldhig ay ku leeyihiin gobolka Doneska

Ruushkaa oo  qirtay in ciidamo badan looga dilay weerar lagu qaaday saldhig ay ku leeyihiin gobolka Doneska
____________________________________________________________________________

Talaado: January 3 2023

Ruushkaa ayaa qirtay in ciidamo badan looga dilay weerar lagu qaaday saldhig ay ku leeyihiin gobolka Doneska.

Qirasho dhif iyo naadir ah oo ay wasaaradda gaashandhiga Ruushka shaacisay ayaa waxaa lagu sheegay in 63 askari oo Ruush ah ay ku dhinteen weerar ay militariga Ukraine u adeegsadeen gantaalada Himars.

Waa tiradii ugu badnayd oo Ruushku hal goob looga dilay tan iyo markii uu bilowday duullaanka uu ku qaaday Ukraine bishii February ee sanadkii tagay.

Ciidamada Ukraine ayaa horay u sheegay in ay ku dileen boqolaal askari oo Ruush ah duqeyn gantaalo ah oo ka dhacday gobolka bariga ee Donetsk xilligii bilowga sanadkan ka dib markii duqeyn lala helay dugsi ay asakarta Ruushka u isticmaalayeen saldhig ahaan oo ku yaalla magaalada Malkiivka.

Ruushka ayaa weeeraro aan kala joogsi laheyn ku qaaday caasimadda Ukraine ee Kiyev iyagoo isticmalaaya diyaaradaha drone-ka maalmihii ugu dambeeyeyy.

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post