1350 Views

Golaha Millateriga Suudaan Iyo Mucaaradka Oo Ku Heshiiyay Golle Wadajir Ah

Golaha Millateriga Suudaan Iyo Mucaaradka Oo Ku Heshiiyay Golle Wadajir Ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Abriil 28, 2019 —Labada dhinac oo shalay yeeshay Kulan waxay isku raaceen qaabka dhismaha Gole KMG oo isku-dhaf ah, inkastoo aan la isla fahmin qeybsiga Kuraasta.

Mar sii horreysay, Guddiga Wadajirka ee ka kala socday Golaha Milliteriga (TMC)  iyo Isbahaysiga Mucaaradka ee Xorriyadda iyo Isbedelka ayaa ka wada xaajooday codsiyadooda xukunka Rayidka.

 

Dhinaca kale, Madaxa Golaha Milliteriga ee TMC, Jeneral  C/fataax Al-burhaan oo wareysi siiyey Telefishinka Alarabiya ayaa sheegay inuu jirin wax khilaaf oo u dhexeeya Golahiisa iyo Isbahaysiga Mucaaradka, wuxuuna xusay inay Wada-xaajoodyo dheeraad ah la furi doonaan dhamaan Xisbiyadda.

 

Waxa kale oo uu ka hadlay  qorshihii Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Jeneral Cumar Xsaan Al-bashiir, xuxuuna xusay inuu Albashiir doonayey inuu xoog ku maquuniyo Dibadbaxayaashii ka soo horjeeday Maamulkiisa.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment