870 Views

Shil geystay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay degaano kamid ah Somaliland

Shil geystay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay degaano kamid ah Somaliland
____________________________________________________________________________

Inta la xaqiijiyay hal Ruux ayaa geeriyooday halka mid kalena uu dhaawacmay kadib markii Shil gari uu Maanta ka dhacay degmada la yiraahdo Abdaal oo katirsan Gobolka Togdheer ee Somaliland.

Gariga shilka galay oo ahaa nooca raaxada ayaa ka baxay magalada Hargeysa, isaga oo ku wajahnaa magaalada burco ee Xarunta Gobolka Togdheer balse uu rogmaday.

Ciidamo katirsan kuwa ilaalada waddooyinka ee Somaliland iyo dad Shacab ah ayaa u gurmaday dadka waxyeelada kazoo gaartay shilka, iyaga oo geeyay Isbitaal ku yaalla Magaalada Hargeysa halka qofka dhintay la’aasay.

Wadada u dhaxeeysa Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa waxaa kusoo laab laabtay Shilalka Gaari, waxaana dhowr jeer ka dhacay shilal ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen Dad Shacab ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post