699 Views

Taliyaha ciidamada Israa’iil oo baarlamaanka u sheegay si looga baaqsado khatarta Nukliyerka ee suurtagalka ah ee Iran in ay weeraraan.

Taliyaha ciidamada Israa’iil oo  baarlamaanka u sheegay si looga baaqsado khatarta Nukliyerka ee suurtagalka ah ee Iran in ay weeraraan.
____________________________________________________________________________

Khamiis: November 11, 2021

Taliyaha ciidamada Israa’iil Afif Kokhafi ayaa guddiga xiriirka arrimaha dibadda iyo difaaca ee baarlamaanka u sheegay si looga baaqsado khatarta Nukliyerka ee suurtagalka ah ee Iran ka iman kara, ay ciidamadu sii kordhinayaan dadaallada ay ku qorsheynayaan weerarada xaruumaha Nukliyerka ee Iran lagu qaadayo.

Wuxuu sheegay iney Israa’iil hadda isu diyaarinayso inay wajahdo Iran.

Wargeyska afka dheer ee ‘Times of Israa’iil’ oo soo xiganaya Kokhafi ayaa sheegay in miisaaniyadda loo qoondeeyay gaashaan dhigga ay ciidamada awood u siin doonto inay ka jawaabaan hanjabaadaha kala duwan ee dhanka Iran ka imanaya.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegaysa in hadalka taliyaha uu ku soo beegmayo xilli la filayo in ciidamada cirka ee Israa’iil ay dib u billaabaan tababarkii ay “ugu diyaar garoobi lahaayeen weerarka ay ku qaadayaan xaruumaha Nukliyerka ee Iran”.

Taliyaha guud ee ciidamada Israa’iil Afif Kokhafi ayaa bishii Janaayo ee la soo dhaafay ku dhawaaqay in uu amar ku bixiyay in ciidamadiisu ay sameeyaan qorshayaal suurgelin kara weerarrada lagu qadayo xaruumaha Nukliyerka ee Iran

Israa’iil ayaa sheegtay in barnaamijka Nukliyerka Iran uu khatar weyn ku yahay ammaankeeda, iyadoo arrinta si dhab ah u qaadatay, waxayna bishii hore ku dhawaaqday inay balaayiin dollar u qoondeysay barnaamijka Nukliyerka ee Iran.

Kulan ay shalay yeesheen guddiga arrimaha dibadda iyo difaaca Israa’iil ayuu Kohafi sidoo kale u sheegay khatarta Isra’iil iyo waddamada kalaba ku soo wajahan.

Wuxuuna intaa ku daray in ay jireen howlgallo ka dhan ah waxa uu ku tilmaamay “cadawga bariga dhexe”, sanadkii la soo dhaafay, balse ma uusan faah faahin waxa uu cadawgaasi ula jeeday.

Wuxuuna ka digay in haddii maamulka Israa’iil loo hanjabo ay si xoog ah uga jawaabi doonto, haddii ay hanjabaaddaasi ka timaaddo marinka Qaza ama Waqooyiga.

Hadalka Taliyaha ayaa ku soo beegmaya xilli la filayo in wadahadalka barnaamijka Nukliyerka Iran uu dib u furmo dhammaadka bishan November. Iyada oo dhinacyada wadahadalkaasi ka qayb qaadanaya ay ka mid yihiin dalalka Britain, France, China, Russia iyo Germany.

Iran iyo Israa’iil weli dagaal toos ah ma dhex marin aan ka ahayn in hanjabaado hawada ay iisu mariyaan, balse Israa’iil ayaa lagu eedeeyay dhowr howlgal oo sirdoon ah oo ka dhacay Iran inay iyadu ka dambeysay.

Weerarradaasina waxaa ka mid ahaa dilkii Mohsen Fakhrizada, oo ahaa madaxii barnaamijka Nukliyerka ee Iran, kaas oo lagu dilay weerar muran dhaliyay sanad ka hor.

Iran ayaa dagaalyahano u dhashay dalka Afghanistaan u diraty Suuriya oo xuduud la leh Israa’iil, waxayna taageertaa kooxda siyaasadda iyo militarigaba kulansatay ee Hezbollah ee ka dhaqdhaqaaqda dalka Lubnaan.

Sanadihii la soo dhaafay, ciidamada cirka ee Israa’iil ayaa duqeymo u geystay maleeshiyaadka ay taageerto Iran ee ka dhaqdhaqaaqa gudaha dalka Suuriya oo ay taageerto dowladda Iiraan, iyaga oo sida oo kale dagaal la galay ururka Hezbollah.

3 qaab oo lagu weerari karo warshadaha nuclear-ka Iiraan

1- Weerar muuqda

“Warshadaha hubka ee Iiraan bir kama sameysna,” ayuu yidhi Mark Fitzpatrick, oo ka tirsan hayadda caalamiga ah ee daraaseysa istiraatiijiyadda (IISS) oo sidoo kalena khabiir ku ah xakameynta hubka.

“Warshadda Natanz waxay u nugushahay in lagu weeraro bambooyinka waxyaabaha adag burburiya ama dhulka hoostiisa u sii gudba. Tusaale ahaan labo bambo oo noocaas ah ayaa loo adeegsan karaa, si midda hore ay u qoddo tan labaadna gudaha ugu sii dhaadhacdo oo xitaa ugu yaraan ay gariiriso qalabka jilicsan ee nuclear-ka oo marka la dhaqaajiyo sii qarxaya.”

Laakiin Iiraan waa waddan dhul ballaaran leh warshadaheeda nuclear-kana waxay ku fidisay dhul baaxad leh. Xilli hore oo sanadkii 2012-kii ah ayey khubaro sheegeen in warshadda lagu bacrimiyo uranium-ta ee Fordo ay ku aasan tahay dhul hoos u qodan 80 mitir oo kusii dhex jira buuro, lagana yaabo in xitaa aysan waxba u dhimi karin banbooyinka aadka wax u burburiya ee uu Mareykanka kaligiis heysto.

“Hoos u qodnaanta Fordo wuxuu ka ilaalin karaa bambooyinkaas, laakiin kama ilaalin karo dhul gariirka ay sababayaan,” ayuu yidhi Mark Fitzpatrick.

2- In dadka la weeraro

 

Arrintan haddaba way socotaa.

Sirdoonka Israa’iil ee loo yaqaanno Muusaad ayaa shabakad qeyrul caadi ah ka sameystay gudaha Iiraan, waxaana halkaas uga shaqeeya xubno aad u hela xogaha muhiimka ah.

Xogta ay helaan waxay gaartay heer ay ogaadaan wax walba oo ku saabsan Seynisyahankii darajadiisu sarreysay ee milatariga, oo lagu magacaabi jiray Mohsen Fakhrizadeh, gaar ahan markii uu kolonyo aad loo ilaalinayo ku marayay waddo ku taalla bariga magaalada Tehran 27-kii bishii November. Isla maalintaas ayaa la dilay seynisyahankaas, dadkii weerarka ku qaadayna waxay taako taako ula socdeen meelaha uu marayay iyo daqiiqadaha uu ku beegnaa.

Warariskhilaafsan ayaa kasoo baxay sida seynisyahanka loo weeraray maalintaas.

Iiraan waxay sheegtay in dilkiisa loo adeegsaday qori darandoorri u dhaca oo laga hagayay satellite-ka. Ilo-wareedyo kalena waxay sheegeen in ay howlgalkaas fuliyeen xubno ka tirsan sirdoonka Israa’iil ooislamarkiiba baxsaday walina aan gacanta lagu soo dhigin.

Sidey ahaataba, Fakhrizadeh – oo loo yaqaannay in uu ahaa “aabihii barnaamijka nuclear-ka Iiraan”, sirdoonka Mareukankana ay sheegeen in uu horumar ballaan gaarsiiyay aqoonta ay Iiraan u leedahay sameynta hubka nuclear-ka – waa lagu guuleystay in la dilo.

Is’raa’iil si rasmi ah ugama aysan hadlin ciddii dilkiisa ka dambeysay.

Dhacdadaas ka hor, intii u dhaxeysay 2010-kii ilaa 2012-kii, afar seynisyahan oo ka mid ahaa kuwa ugu waaweyn ee ku howlanaa barnaamijka nuclearka Iiraan ayaa lagu dilay gudaha waddankooda, qaarkoodna waxaa dilalkooda loo adeegsaday gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Sidoo kale, Israa’iil ma aysan xaqiijinin mana aysan beeninin in ay seynisyahannadaas iyadu dishay.

Laakiin dilalkaas waxay caddeynayaan in kuwa fuliya dilalka qorsheysan ay howlgalladooda ku guuleysan karaan iyadoo amniga dowladda uu aad u sugan yahay, ayna meesha ka saari karaan ragga maskaxda u ah sidii ay Iiraan ku gaari lahayd tiknoolojiyadda nuclear-ka.

3- Weerar dhinaca internet-ka ah

Waxaa jira dagaal hadda socda balse aan lagu dhawaaqin oo dhanka Internet-ka ah. Wuxuu dagaalkaas u dhaxeeyaa Iiraan oo dhinac ah iyo dhinaca kale oo ay ku mideysan yihiin Mareykanka, Israa’iil iyo Sacuudi Carabiya.

Sanadkii 2010-kii, qalab yar oo qarsoodi ah ayaa lagu rakibay kumbuyuutarrada barnaamijka nuclearka Iiraan lagu hormariyo, sidaasna waxaa lagula wareegay maamulka barnaamijkaas iyadoo Iiraan aysan wax war ah ka heynin. Muddo sannado ah ayaa dib loo dhigay horumarkii laga gaari lahaa bacriminta nuclear-ka Iiraan, gaar ahaan warshadda Natanz..

Weerarkaas dhinaca internet-ka ah waxaa lasoo tabiyay in ay ka dambeysay Israa’iil, inkastoo la rumeysan yahay in weerarkaas ay iska kaashadeen khubaro isugu jira Israa’iil iyo Mareykan.

Iiraan durba way aar goosatay, waxayna ku guuleysatay in ay qalab si qarsoodi ah ugu rakibto hannaanka lagu hago warshadda saliidda soo saarta ee Sacuudiga, taas oo ay kala wareegtay 30,000 oo kumbuyuutar. Tallaabadaas waxay Iiraan khalkhal wey ku galisay guud ahaan wax soo saarkii saliidda ee Sacuudiga.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post