1974 Views

Digniin ka soo baxday taliska ciidanka xasilinta Gobolka Hiiraan

Digniin ka soo baxday taliska ciidanka xasilinta Gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 26, 2018 –  Maalmihii la soo dhaafay waxaa cabasho ballaaran ay ka soo yeereysay Shacabka ku nool deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan,kadib isbaarooyin horleh oo la soo dhigay deegaano ka tirsan gobolkaas.

Taliska Ciidanka xaslinta xasilinta Gobolka Hiiraan ayaa soo saarey digniin ku socota Kooxaha iyo Ciidamada mar walba Gaadiidka dadka Shacabka ah ay wataan isbaarooyinka u dhigta,isla markaana lacagaha ka qaada.

Taliyaha Ciidanka xasilinta Gobolka Hiiraan Carab Yuusuf Nuur ayaa sheegay in ay sameeyeen howlgal ay kula dagaalamayeen kooxaha isbaarooyinka Wadooyinka u dhigta Gaadiidka Shacabka,isla markaana intii ay howlgalka ku jireen uu dagaal dhexmaray.

Waxa uu digniin u diray kooxahaas,waxaana uu sheegay in marnaba aan la aqbaleyn dadka safarka dhibaateynaya,sidoo kalena qofkii lagu qabtaa falkaas ay tallaabo cad ka qaadi doonaan.

Si kastaba deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa mar walba la soo dhigaa isbaarooyin lacago looga qaado gaadiidka ka Shaqeeya degmooyinka gobolka Hiiraan iyo kuwa ku sii jeeda Gobolada dhexe.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment