1395 Views

Maxaa kajira in Cabdirashiid Janan uu heshiis la galay Dowladda Soomaaliya?

Maxaa kajira in Cabdirashiid Janan uu heshiis la galay Dowladda Soomaaliya?
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 23da Maarso, 2021Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad loo hadal haayay in Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan uu heshiis la galay dowladda Soomaaliya.

Janan oo bilihii la soo dhaafay Ciidamo farabadna ku heystay duleedka degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa la sheegay in uu wada-hadal la galay dowladda Soomaaliya oo u khilaaf xoogan kala dhaxeeyo.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo la hadlay BBc-da waxaa uu qiray in uu jiro wada-hadal hoose oo lamid ah kan Muqdisho ka socdo in uu u socdo, isaga iyo dowladda Soomaaliya balse uusan jirin wax heshiis ah oo uu la galay dowladda Soomaaliya.

Dadka falanqeeya Arrimaha siyaasadda ayaa waxaa ay sheegayaan in hadii Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan uu heshiis la galo dowladda Soomaaliya ay ka dhigan tahay in Madaxweynaha Jubbaland uu weyn doono gebi ahaan gacan ku heynta Gobolka Gedo

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa waxaa horay Magaalada Muqdisho ugu xiray dowladda Soomaaliya hayeeshee la sheegay in u baxsaday, wallow uu isaga sheegay in uu si caadi ah uga duulay Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post