1344 Views

Kenya oo sheegtay inay dishay Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab

Kenya oo sheegtay inay dishay Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogoosto 30, 2019 –Ciidanka Booliska Dalka Kenya ayaa aroornimadii hore ee Saaka oo Jimca ah toogasho ku dilay Nin la sheegay in uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, kaas oo in muddo ah ay doon-doonayeen Laamaha ammaanka dalkaas.

 

Mohamed Rashid Mwatsumiro, oo loogu yeero  Msanii, ayaa lagu dilay Gurigiisa oo ku yaalla Xaafadda Ng’ombeni ee Degmada Matuga  oo ka tirsan Is-maamulka Kwale, xilli ay Boliisku ku raad-joogeen.

 

Taliyaha Boliiska is-maamulka Kwale, Tom Odero , ayaa sheegay , in Ninka la toogtay ee ka tirsanaa Al-Shabaab uu qabay dhaawac ay Ciidanku u geysteen, isla markaana ay Gurigiisa kasoo heleen Hal Baastoolad.

 

Dhinaca kale Sarkaal ka tirsan Boliiska Kenya oo lagu Magacaabo Jeremiah Mula, ayuu howl-galkaasi kasoo gaaray dhaawac xagga Caloosha ah, kaas oo xaaladdiisa lagu baxnaaninayo Isbitaalka, sida ay laamaha ammaanku u sheegeen Jariiradda Daily Nation.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment