342 Views

Dowladda Maraykanka, oo shalay u dirtay dalka Itoobiya ergey, si uu u soo afjaro dagaallada kasoo cusboonaaday dalkaasi

Dowladda Maraykanka, oo shalay  u dirtay dalka Itoobiya ergey, si uu u soo afjaro dagaallada kasoo cusboonaaday dalkaasi
____________________________________________________________________________

Sabti: SEPTEMBER 3, 2022

 Dowladda Maraykanka, ayaa Jimcihii u dirtay dalka Itoobiya ergey, si uu u soo afjaro dagaallada kasoo cusboonaaday dalkaasi, iyadoo cambaaraysay dawladda ay dariska yihiin ee Ereteriya, oo dib u soo gelisay colaadda gobolka Tigreega ciidankeeda.

Mike Hammer, oo ah ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, ayaa todobaadkan u kicitimi doona dalka Itoobiya.

“Wuxuu gudbin doonaa in dhammaan dhinacyada ay joojiyaan hawlgallada milatari, iyo inay isku soo hor fariistaan wada hadal nabadeed,” ayay tiri xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre.

“Waxaan cambaareyneynaa ku soo noqoshada Eritrea ee colaadda, duullaanka TPLF ee ka socda meel ka baxsan gobolka Tigreega, iyo duqeymaha cirka ee dowladda Itoobiya,” ayay u sheegtay suxufiyiinta.

Dagaalada ayaa todobaadkii hore dib uga soo cusboonaaday gobolka waqooyi ee Itoobiya, kadib muddo shan bilood ah oo uu hakad ku jiray.

Tani ayaa meesha ka saartay rajadii laga qabay in si nabad ah lagu xaliyo dagaalka mudada labada sano ku dhaw socday, iyo in lasoo afjaro dhibaatada bini’aadantinimo ee gobolka Tigreega ka jirta.

“Ma jiro xal militari oo lagu soo gaba gabeyn karo khilaafka,” ayey tiri Jean-Pierre.

“Dhammaan dhinacyadu waa inay is-xakameeyaan, waxaana ku boorrinaynaa inay xaaladda dejiyaan, gaar ahaan si ay u suurogasho in dib loo bilaabo gargaarka bani’aadannimada iyo adeegyada aasaasiga ah.”

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa sheegtay in Hammer, oo ah dublamaasi ruug-caddaa ah oo shaqadiisu ay sidoo kale kamid tahay arrimaha Sudanta cakiran iyo Soomaaliya, uu u safri doono Axadda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post