597 Views

Agaasimaha Guud ee Warfaafinta iyo Madaxa Telefishinka Qaranka oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Warfaafinta iyo Madaxa Telefishinka Qaranka oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho
____________________________________________________________________________


Sabti: March 26, 2022

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaaale oo uu la socdo agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed  Sharmaarke Maxamed Warsame ,ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho.iyagoo ka soo ambabaxay dalkaTurkiga.

Munaasabaddii soo dhoweynta mas’uuliyiintasasi, ayaa waxaa ka soo qeybgalay Agaasimaha wakaaladda wararka Soomaaliyeed Ismaaciil Oronje, Agaasimaha Wargeyska Dalka Saalax Shire, Agaasimaha Radio Muqdisho Maxamed Kaafi, Ku simaha Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Abuukar Ma’da, Agaasimaha Baraha bulshada Cabdishakuur Cali Axmed iyo xubno kale.

Agaasimaha Guud oo ka hadlay munaasabaddii soo dhoweynta ayaa yiri“Waxaan umahaddelineynaa cid walbo oo qeyb ka qaadatay in caafimaad uu helo agaasime sharma ake” .

Agaasimaha Guud Cabdulaaahi Xayir Ducaale,waxa uu alle ka baryay in uu caafimaadkiisa u dhameystiro agaasime Sharmaake, isagoo dhinaca kale naxariistii eebbe u rajeeyay Agaasimihii hore ee Raadiyo Muqdisho marxuum Cabdicasiis Afrika.

Agaasime Sharmaake oo isna hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhoweyntiia, wuxuuna intaa raaciyay in kooxaha argagixisada aysan cabsigelin Karin howlaha warbaahinta qaranka ee loo hayo bulshada.

Dhinaca kale, ehalada agaasimaha Telefishinka Qaranka ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo cid walba oo garab istaagtay xilliga uu dhaawaca soo gaaray agaasime Sharmaarke.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post