939 Views

Dowladda Libya oo codsatay in maxkamad la soo taago General Haftar

Dowladda Libya oo codsatay in maxkamad la soo taago General Haftar
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 30–2019 | —Hoggaamiyaha dowladda Libya ee ay taageeraan caalamka Khalid Al mishri ayaa k codsaday madaxda dalalka dunida in ay u fidiyaan taageero dhaqqale,mid ciidan iyo mid dibolomaasi.

 

Hoggaamiyaha dowladda ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobe ee dalka Libya ayaa sidoo kale ugu baaqday Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ICC in ay qaadaan tallaabo dhan ka ah waxa lagu tilmaamay fallaagada ciidamada Mileteriga ee uu hogaamiyo General Khalifa Haftar.

 

 

 

Generaalkaasi ayaa la sheegay in dambiyada uu geystay ay yihiin kuwo lid ku ah biniaadanimada,sidaa daraadeedna ay waajib tahay in la joojiyo dhaqdhaqaaqiisa.

 

Dhowr bilood oo dagaallo ay ka socdaan koonfurta magaalada caasimadda ah ee Tripuli boqolaal rayid ah ayaa  la dilay ama la dhaawacay halka 140-kun oo ruux ay ka carareen guryahooda.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment