612 Views

Caruusad habeenkii arooskeeda xabsiga ku hooyatay

Caruusad habeenkii arooskeeda xabsiga ku hooyatay
____________________________________________________________________________

Talaado: AUGUST 23, 2022

Booliska dalka Uganda ayaa afar ka mid ah saraakiishooda ku soo oogay dacwad,kadib markii ay ku kaceen fal aan wanaagsanayn,waxa lagu eedeeyay in ay xoog ku galeen xaflad aroos,isla markaana ay xabsiga u taxaabeen caruusadda oo lagu eedeeyay in ay wax soo xaday.

Askarta ayaa haddii lagu helo dambiga laga eryi karaa ciidanka.

Habeenkii Sabtida aroosadda ayaa loo kaxeeyay saldhigga booliiska ee galbeedka magaalada Mbarara, waxaana la xiray isla habeenkaasi.

Axadii ayaa la sii daayay iyada oo aan wax dambi ah lagu soo caddeynin.

Afhayeen u hadlay booliiska oo lagu magacaabo Fred Enanga ayaa sheegay in mid ka mid ah afarta askari uu xabsiga ku jiro halka saddexda kalena ay weli dhuumanayaan.

Waxa uu sheegay in qorshuhu ahaa in gabadhaasi ay u noqoto maalinta ugu farxadda badan balse riyadeedi ay baabi’iyeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post