885 Views

Wasiir Goodax Barre oo sheegay in ardayda Puntland la siin doonin Shahaado

Wasiir Goodax Barre oo sheegay in ardayda Puntland la siin doonin Shahaado
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 13 2020–Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa markale sheegay in ardayda degaannada Puntland oo aan ka qyeb-gelin Imtixaanka ay Wasaaraddu qaadeyso aan la siin doonin Shahaadada Dugsiga Sare.

Wasiirka oo ka qeyb-galay Barnaamij ka baxayay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in Puntland aysan u diyaar saneyn in ay dadkooda wax la qeyb-sadaan,hayeeshee Dowladda aysan Shahaado siin doonin qof aan ka qeyb-gelin Imtixaanka.

Waxaa uu sheegay inaysan, iyagu aheyn kuwo diidan dadka Reer Puntland,balse xaq aysan aheyn in Shahaado la siiyo Arday aan imtixaan gelin,waxaana uu cadeeyay in marnaba Ardayda Puntland aysan heli doonin Shahaahadada Dowladda.

Sanadkii hore ayuu sheegay inay socdeen waan waan arrintaasi xal looga gaarayay,balse haatan wada-hadalladaas aysan muuqan,waxaana uu Madaxda Puntland ku eedeeyay inay siyaasadeeyeen waxbarashada Ardayda ku nool degaannada Puntland.

Sanadkii hore ee 2019 ayaa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya waxaa ay Shahaadada u diiday ardayda degaannada Puntland taas oo dhalisay xiisad siyaasadeed,hayeeshee wada-hadallo kadib la siiyay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post