696 Views

Madasha xisbiyadda Qaran oo sheegtay in fara gelinta qaawan ee Itoobiya ku heyso Soomaaliya

Madasha xisbiyadda Qaran oo sheegtay in fara gelinta qaawan ee Itoobiya ku heyso Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 16, 2020–Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo dhaweysay go’aannadii ka soo baxay shirki golaha ammaanka Qaramada midoobay ee arrimaha Soomaaliya ee ku celisay baaqi 13-ka bisha May ay soo saartay kaasoo lagu dalbaday in ciidamada Itoobiya ee aan kamid aheyn howlgalka AMISOM laga saaro gudaha dalka.

Madasha waxay ka mahad celisay in la caddeeyey tirada dhabta ah ee ciidamada midowga Africa ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, ciidankaasoo tiradiisu tahay 19,626 askari waxay sharciyad u heystaan in gudaha Soomaaliya ay ka howl galaan ilaa 28-ka Feb. 2021 si’ ay gacan uga geystaan in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Madashu waxay ka walaacsantahay in lagu xad gudbay, qaranimada Soomaaliya, siyaadada dalnimo, madax bannaanida siyaasadeed iyo cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya lagu soo rogay 1992 ee tirsigeedu yahay 733 iyo qaraarkii QM ee 2520 oo soo baxay sanadkan 2020.

Gabagabadii qoraalkan oo toos ugu socday beesha caalamka iyo Qaramada midoobay waxaa lagu baaqay in il gaar ah lagu eego fara gelinta qaawan ee Itoobiya ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Ciidanka aan AMISOM ka tirsaneyn ee sharci darrada dalka ku jooga iyo in dowladda fedraalka Soomaaliya ay wada hadal dhab ah la furto madaxda maamul goboleedyada si’ loo maareeyo marxaladda kala guurka ee doorashada dalka ka dhaceysa 20/21.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post