324 Views

Wasiirka Kalluumeysiga oo xafiiskiisa ku qaabilay Per Erik oo u dhashay dalka Norway iyo Peter Sol oo u dhashay Maraykanka oo ah xeeldheereyaal Caalami ah

Wasiirka Kalluumeysiga oo  xafiiskiisa ku qaabilay Per Erik oo u dhashay dalka Norway iyo Peter Sol oo u dhashay Maraykanka oo ah xeeldheereyaal Caalami ah
____________________________________________________________________________

Sabti: SEPTEMBER 17, 2022

Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aaden, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Per Erik oo u dhashay dalka Norway iyo Peter Sol oo u dhashay Maraykanka oo ah xeeldheereyaal Caalami ah oo dhinaca kalluumeysiga iyo badaha ah, kuwaas oo ka tala bixinaya sida lagu horumarin karo kalluumeysiga gudaha, ilaalinta badqabka noole-badeed ka, ilaalinta fayadhowrka kalluunka iyo horumarinta xeebaha.

Wasiir Axmed, ayaa uga mahadceliyey aqbalaadda Casuumaadda uu u fidiyey iyo in ay diyaar u yihiin in ay Wasaaradda kala shaqeeyaan horumarinta arrimaha horutabinta u leh wasaaradda ee kalluumeysiga, ka faa’ideysiga kheyraadka Badda iyo sida ugu haboon ee Wasaaradda ay uga faa’ideysan karto fursadaha ay haysato.

Xeeldheereyaasha oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda, ayaa kormeer ku tagay xarunta dhexe ee Wasaaradda oo ku taalla degmada Cabdicasiis, xarunta dad dhigista, iyo kawaanka malayga ee degmada Cabdicasiis.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraad ka badda ayaa mudnaan siinaya sidii loo horumarin lahaa kalluumeysiga gudaha kaas oo qeyb mug leh ka qaadan kara kor u qaadidda wax soosaar dalka iyo horumarinta dhaqaalaha kuwaas oo kamid ah qorsheyaasha mudnaanta u leh xukuumadda dan Qaran.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post