2664 Views

Dekeddaha Talyaaniga oo loo diiday 600 oo Muhaajiriin ah in ay kasoo degtaan

Dekeddaha Talyaaniga oo loo diiday 600 oo Muhaajiriin ah in ay kasoo degtaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 11, 2018 – Dowladda Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay qaxootigii kasoo degi jiray Dekeddaha dalka Talyaaniga,islamarkaana dhaqaallo badan ay ku bixin doonaan joojinta Qaxootiga ka yimaada Afrika.

Matteo Salvini  Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha ee Taliyaaniga ayaa diiday in Markab soo badbaadiyay muhaajiriin ay tiradooda dhan tahay 600 oo qof uu ku soo xirto dalka Taliyaaniga.

Mr Salvini, oo hogaamiya xisbiga garabka midig ayaa warqad u qoray maamulka jasiirada Malta isaga oo ka codsaday in markabkaasi uu ku soo xirto Valletta,oo ah caasimada Malta

Balse xukuumadda Malta ayaa sheegtay in hay’ad laga leeyahay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo SOS ay muhaajiriintan ka soo qaaday biyaha dalka Liibiya islamarkana sharciyan ay hoos imaanayaan Taliyaaniga.

Hay’adda SOS Mediterranee ayaa sheegtay in tiro muhaajiriin ah ay soo badbaadiyeen ka dib markii doontii ay la socday ay badda dhexdeeda ku jabtay.

33,000 oo muhaajiriin ah ayaa gaaray dalalka Yurub sanadkan iyaga oo sii maray badda

dekada-talyaaniga-muhaajiriin-3 dekada-talyaaniga-muhaajiriin-2 dekada-talyaaniga-muhaajiriin-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment