441 Views

Mareykanka oo Soomaaliya u soo diraya Boqolaal ciidan ah

Mareykanka oo Soomaaliya u soo diraya Boqolaal ciidan ah
____________________________________________________________________________


Talaado: May 17, 2022

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa amray in dib Soomaaliya loogu celiyo boqollaal askarta dalkaas ah sida maanta laga soo xigtay saraakiil Ameerikaan ah.

Maamulkii madaxweyne Donald Trump ayaa bishii Diseember ee sanadkii 2020, Soomaaliya kala baxay ciidan Ameerikaan ah oo tiradooda lagu qiyaasay 700 oo askari, kuwaas oo shaqadooda ay ahayd in ay ciidanka dowladda Soomaaliya ka caawiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Madaxweyne Biden wuxuu oggolaaday codsi uga yimid Xogyaha Gaashaandhiga oo ahaa in dib loo howlgeliyo milaterigii Mareykanka ee joogay Soomaaliya, si uu wax ku ool u noqdo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab,” ayuu yiri mas’uul sare oo ka mid ah maamulka dowladda, kaas oo magaciisa aan la sheegin.

“Tallaabadani waa dib u celinta ciidan horay u tagayay, ugana imaanayay Soomaaliya si ku saleysan xaalado gaar ah, ka hor intii uusan maamulkii hore go’aansan soo-saaristooda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray mas’uulka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post