1077 Views

Wasaaradda Caafimaadka oo sheegtay in la diiwaan geliyay 135 xaalado cusub oo COVID-19 ah

Wasaaradda Caafimaadka oo sheegtay in la diiwaan geliyay 135 xaalado cusub oo COVID-19 ah
____________________________________________________________________________

1da Maarso, 2021

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 135 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 4 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 6 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (110) Somaliland (15) Koonfur Galbeed (6) Jubbaland (3 iyo Galmudug (1) qof, 71 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 64-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 7,392 waxaa bogsootay 3,814 Ruux. guud ahaan 243 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post