2466 Views

Axmed Madoobe Oo sheegay in Amniga dalka uu faraha ka baxay

Axmed Madoobe Oo sheegay in Amniga dalka uu faraha ka baxay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 18, 2018 —Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay guddiga dhexdhexaadin dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda ee Aqalka Sare ee shalay gaaray Magaaladaasi.

Madaxweynaha oo Khudbad ka jeediyay kulan ka dhacay Magaalada Kismaayo oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanada Aqalka Sare waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka baxday ballamo badan oo ay horay ula galeen dowlad goboleedyadda.

Waxaa uu xusay in Jubbaland ay ka jiraan dhibaatooyinka ugu badan ee dagaalka Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuldareystay hoggaaminta Howlgallada ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay u diiday maamulada Saanadii loogu tala galay in Shabaab lagu dagaallamo .

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale tilmaamay in saanad dhan 173 Conteernar in ay taallo Magaalada Muqdisho, waxaana u sheegay in hubkaasi uu gacanta u galay Shabaab.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment