825 Views

Weerar lagu qaaday Garoon Ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Ciraaq

Weerar lagu qaaday Garoon Ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Ciraaq
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 15 2021–Saraakiil Maraykan ayaa xaqiijiyey in Diyaarad Daroon oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa in lala beegsaday Garoonka Caalaamiga ee magaalladda Erbil ee Gobalka Kurdistan ee Waqooyiga Iraq.

Afhayeenka Isbahaysiga Milliteriga Maraykanka, Colonel Wayne Marotto ayaa sheegay in Ugu yaraan hal qarax oo weyn laga maqlay Garoonkaasi.

“Diyaarad aan duuliye lahayn ayaa ku soo degtay Bakhaarka Hangarka ee Saldhiga Cirka ee Erbil, dab ayaana ka kacay, kaasi oo aan wax dhaawac ah geysanin” ayuu yiri Afhayeenka Isbahaysiga Milliteriga Maraykanka.

Dowlad Gobaleedka Kurdistan  waxay iyagana xaqiijiyeenin Diyaarad Droon hubeysan lala beegsaday Bakhaar ku yaalla Saldhig ay Isbahaysiga Marykanka adeegsadaan.

Qoraal uu Madaxweynaha Dowlad-gobaleedkasi, Nejrivan Barzani soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu cambaareeyey weerarkaasi, isagoo xusay in la beegsaday Garoonka iyo Saldhiga Milliteriga ee Bashiqa ee Waqooyiga Iraq.

Waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in iyadoo la kaashanayo Isbahaysiga Caalamka weerar lagu qaado kooxaha ka dambeeya Weerarada Noocaasi oo kale ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post