1044 Views

Cabdiweli Gaas “Rooble waa ka gaabiyay waxa loo igmaday, in 5 kursi la soo tuuro wax la aqbali karo maahan.

____________________________________________________________________________


Arbaco: November 24, 2021

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa eedeyn kulul u jeediyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Gaas ayaa sheegay in Rooble loo igmaday doorashada dalka balse uu ka gaabiyay, waxa uuna ugu baaqay in uu wax ka badalo xaalada dalka uu ku jiro.

Cabdiweli Gaas oo wareysi siiyey telefishinka Dalsan ee Muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble loo madax banaaneeyey howlaha doorashada, balse uu ka gaabiyey inuu si wanaagsan u maamulo.

Sidoo kale Cabdweli Gaas ayaa sheegay inaysan jirin marmarsiiyo dib ay ugu sii dhici karto doorashada Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay kaliya u muuqato in sababta loo daahinayo doorashada ay tahay inaan la qaban doorasho xor iyo xalaal ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post