420 Views

Marwada madaxweynaha Mareykanka Jill Biden oo booqasho ku tagtay Dugsi ku yaalla Ukraine

Marwada madaxweynaha Mareykanka Jill Biden oo booqasho ku tagtay Dugsi ku yaalla Ukraine
____________________________________________________________________________


Axad: May 8, 2022

Marwada Koowaad ee dalka Mareykanka Jill Biden ayaa booqasho lama filaan ah ku tagtay dalka Ukraine xilliay safar ugu socotay dalalka Romania iyo Slovakia iyadoo mar kale xaqiijineysa taageerada uu Mareykanku u hayo Isbaheysiga NATO.

Mrs BideN ayaa kula kulantay Olena Zelenska , marwada madaxweynaha Ukraine iskuul ku yaalla magaalada xuduuda ku taalla ee Uzhhorod oo haatan siku meel gaar ah looguu isticmaalo gabbaad dadka baro kacayaasha ah.

Marwada koowaadee Mareykanka ayaa sheetay in ay dooneyso in ay muujiso sida ay tiri in dadka Mareykanku aygarab taagan yihiin dadKA Ukraine , iyadoo intaa raacisay in dagaalka oo hataan galay bishiisii saddexaad uu gaaray meel aadu xun ayna tahay in la joojiyo.

Marwada Madaxweynaha Ukraine ayaa shegtay in ay tahay arrin geesinimo leh in booqashada ayku timid Ikraine .

‘’ Waan ognahay waxa ay qadaneyso in in marwada koowaad ee Mareykanka ay halkan uu dagaal ka jiro ay timaado.. ayna dagaalo ka dhacayaan maalin walba ..oo siiriyada dhiilada ay mar walba digniino bixinayaan ..xitaa maanta ‘’ ayey tiri .

Waxay intaa raaisay in booqashada oo ku soo beegantay maalinta hooyada ay muujineyso dareen naxariiseed ‘’ Waxaan dareemeynaa jaceylkaada iyo taageerada aad u heyso maalintan muhiimka ah ‘’ ayey tiri.

Marwada madaxweynaha Ukraine laguma arkin goob fagaae ah tan iyo markii ciidamada Ruushka ay bilaabeen faragalinta Ukraine 24kii Febraayo ee sanadkan .

Mrs Zelenska has not appeared in public since the Russian invasion began on 24 February.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post